Calendar

Ban kii-Moon Oo Ku Baaqay In Ladadajiyo Nabadeenta Soomaaliya

Xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moonoo ka hadlayay shirkii lagu soo gabo gabeeyay magaalada Yokohama ee wadanka Japan loogana hadlayay arrimaha  Soomaaliya aya sheegaya in la dadajiyo hanaanka  nabadaynta Soomaaliya si ay u dhacdo buu yiri  in maalgaalin rasmi ah lagu sameeyo dalka Soomaaliya.

Ban ki Moon waxaa uuhadalkiisu ku sheegay in beesha caalamka ay xilligaan gacan ka geysato sugida nabadda Soomaaliya si loo abuuro deegaan maalgashi lagu sameysto dalkuna uu dhibaatada uga baxo.

“Soomaaliya dhinacyobadan ayauy taageero uga baahan tahay marka waa in xoog badan la galiyaa dadajinta nabadaynta Soomaaliya si u sooo jiidato indhaha maalgaliyaasha caalamka loona helo dhul nabad oo maalgashi lagu sameyn karo” ayuu k a yiri shirka Ban ki moon shirkii Japan.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday arrinta ka jirta magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku tilmaamay is fahan waaga siyaasadeed ee Jubbaland lagu aas aasay ay digniin u tahay in magaalada ay mar kale gacanta Al-Shabab oo sanadkii hore laga saaray ay dib ugu laabato sida uu yiri, waxaana uu ku baaqay in wada hadal loo sameeyo dhinacyada is haya si dadka ku nool Jubooyinka ay xasilooni u helaan.

Q,M ayuu sheegay Ban ki Moon inay sii wadayso taageeradda ay Soomaaliya ee la xariirta siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Madaxdiii ka qeyb gashay  shirkii Yokohama Japan ka dhacay waxaa ay isku raaceen in Soomaaliya ay u baahan tahay cawimaad dhab ah.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: