Calendar

Banaanbaxyo ka dhacay dhulka ay maamusho Kooxda Shabaab.

banaan bax Shabaab (3)Bartamaha (Marka) :-Alshabaab ayaa maanta soo agaasintay banaanbaxyo balaaran oo lagu diidanyahay Ciidamada lagu soo kordhinayo gudaha Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxyada oo abaabul ahaan ay lahaayeen saraakiisha sar sare ee Alshabaab ayaa waxa ay ka kala dhaceen Magaalooyinka Marka,Kismaayo,Jowhar iyo Baladweyne oo dhammaan shabaabka ay maamulaan.

Maamulka ayaa waxa ay amreen in la xero dhammaan goobaha ganacsiga waxaana la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka iyadoo dadka ay isku soo baxeen fagaarayaasha.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa waxa ay wateen Calanka Soomaaliya waxa ayna dalbanayeen in shacabka aan loo so horseedin dhibaato lana joojiyo ciidanka la keenayo dalka.

Saraakiil la hadashay shacabka la isku soo banaanbixiyay ayaa waxa ay sheegeen in ay la dagaalamayaan ciidan walba oo dalka soo gala iyagoo dalbaday in shacabka ay gacan siiyaan Ciidanka Shabaab.

Dadkii isku soo baxay ayaa la faray in ay isku diiwaan galiyaan u diyaargarowga dagaal ka dhaca dalka oo looga saaro Ciidanka ku sugan gudaha Muqdisho Ee Amisom.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay banaanbaxyada ay abaabulayaan Alshabaab iyadoo laba cisho ka hor dibad bax ka dhacay Muqdisho lagu taageeray dagaalka ay shabaabka ka wadaan Magaalada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: