Calendar

Dowlada “Ajaanib ayaan ku dilnay Gobolka Hiiraan..”.

dagaalBartamaha (B/Weyne):- Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in rag ajaanib ah ay ku dileen duleedka Magaalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidanka Ammaanka Gobolka Hiiraan oo ku sugan duleedka Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday in dagaal kooban ay ku dileen Laba nin oo ajaanib ah.

Col.Axmed Cusmaan Cabdalla Taliyaha Ciidanka Dowlada Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen Laba nin oo u kala dhalatay Masar iyo Ghana.

Taliyaha waxa uu shaaca ka qaaday in shalay gabal dhicii dagaal ka dhacay duleedka Baladweyne ay ku qabteen Laba nin oo ajaanib ah ka dibna ay ku dileen goobta dagaalka.

“Ajaanib ayaan ku dilnay Gobolka Hiiraan… dagaal aan la galnay shabaabka ayaan ku qabanay laba nin oo mid Masar u dhashay kan kalana uu ahaa nin Gana u dhashay…isla goobta aan ku qabanay ayaan ku tooganay…” ayu yiri Taliyaha.

Hadalka maamulka Dowlada Hiiraan ka soo yeeray ayaa imaanaya xilli Ciidan Ethiopian ah iyo kuwa dowlada ay kaabiga ku hayaan Baladweyne oo ay maamulaan Alshabaab.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: