Calendar

Banki moon oo shaaciyay in qaramada midoobay ay adkayn doonto ammaanka xarumaheeda ku yaal Soomaaliya

ban-ki-moon-2011-2-4-7-10-11Xogahayaha guud ee Qaramaad Midoobay Banki moon oo ka qaybgalayay Munaasabadii kasoo wareegatay weeraradii Aragagaxiso ee lagu qaaday Xarunta ugu balaadhan ee Qaramada Midoobay kulahayd Magaalada Baqdad ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay Badalayso  Qaabka ay uga hortagto Weeraradda lagu qaado Xarumaheeda caalamka ku kala yaala Islamarkaana ay Xoojinayaan Ammaanka Xarumaha Shaqaalaha Q/M ay ka howlagalaan.

Xogahayaha ayaa waxa uu si cad u balanqaaday in Qaramada Midoobay ay sugayso Amaanka Dhismayaashooda kuyaala Wadamada Soomaaliya Afganistan, Pakistan iyo Nigeria..

Banki Muun ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay Hada laga bilaabo ay gacan xoogan ku qabanayso Amaanka guud ee Shaqaalaheeda iyo Xarumaheeda ku kala yaala Caalamka.

Waxaana qaramada midoobay xafiiskeeda ku yaalla Muqdisho goor sii horreysay weerar ku qaaday Alshabaab halkaasoo lagu laayay shaqaale qaramada midoobay ka socday oo 4 kamid ah ay ahaayeen Ajaanib.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: