Calendar

Xildhibaano ka socda dawlada dhexe oo booqday magaalada Beledweyne

BeledweyneXildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ay gaareen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan oo gaaraya ilaa iyo 4 Xildhibaan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baladweyne waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka  Cabdi Faarax Laqanye waxaana la sheegay inay ka qeyb galeen Shir weyne maanta ka furmay Magaalada Baladweyne  oo looga hadlayay Xaalada Gobolka Hiiraan.

Shirkan oo maanta si toos ah uga furmay Degaanka Ceel-Jaale ee dhanka Bari Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Itoobiya iyo kuwa Jabuuti oo ku sugan Magaalada Baladweyne.

Waxaana la filayaa in lagu lafaguro sidii ammaanka gobolka loo adkayn lahaa loogana saaro lahaa Alshabaab deegaanada dhimman.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: