Calendar

Cali Dheere oo kawarbixiyey weerarkii ay ku qaadeen madaxtooyada

cali dheere

Bartamaha Muqdisho - Afayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa kawarbixiyey weerarkii ay kooxdiisu ku qaaday xarunta madaxtooyada Soomaliya hal habeen ka hor.

Cali Dheere ayaa sheegay in kooxdiisu ay gudaha ugaleen madaxtooyada, isala maarkasna ay muddo saacado ah gacanta ku hayeen madaxtooyada sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu sheegay inay gudaha ugaleen xafiisyada madaxda dowlada, isagoona intaasi raaciyey inay halkaasi dagaal kula galeen ciidamada dowlada iyo kuwa xogaga AMISOM.

Cali dheere ayaa sheegay in xoogagii weeraray madaxtooyada qaar kood ay ku dhinteen halka qaar kalena uu sheegay inay kabaxsadeen iyagoo bad qaba sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu cadeeyey inay asakar badan oo katirsan dowlada ay ku dileen madaxtooyada, isagoona ku goodiyey inay sii wadi doonan hawlagalada ay ku beegsanayan xarumaha dowlada.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: