Calendar

Dooni urarneed ganacsato Soomaliyed oo degtay

doonoiBartamaha Bosaso_ Dooni urarneed ganacsato Soomaliya oo kusoo jeeday dekedda magaalada Boosaaso ayaa la ogaaday inay ku degtay badda udhexaysa dalalka Yaman iyo Cumaan.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda Puntland C/llaahi Jaamac Saalax ayaa warbaahinta usheegay in doonida degtay ay kasoo shiraacatay dekedda magaalada Dubai, iyadoona uu sheegay inay siday Gaadiid, shidaal, qalabka dhismaha iyo badeeco kale.

Waxaa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay laqaybsanayan dhibaatada hantiyeed ee soo gaartay ganacsatada ay urarneed doonida degtay, waxaana uu uga digay ganacsatada in inta lagu guda jiro xiliga bad xiranta ay hakiyaan gaadiidka ay usoo rarayaan dekadaha dalka.

Wakiilka doonida degtay oo la yiraahdo Liibaan Dheere ayaa warbaahinta usheegay in doonidu waday 15,000 oo tan, isagoona xusay inaysan waxba ka bad baadin qalabkii saarna.

Dadkii la socaday doonida degtay ayaa la sheegay inay bad qabaan, inkastoo agabkii ay siday doonidu waxba ayasan ka bad baadin.

Marka lagaaro wakhtiyadan oo kale waxaa badda ka dhaca dabaylo xoogan taasi oo halis ukeenta gaadiidka ku safraya badda.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Boosaaso

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: