Sunday, April 19, 2015

Warar Kale [ Other News ]

10299931_905427992841709_2052115972449838125_n-150x39

Muqdisho (Bartamaha)Nin ayaa hada kahor nin ku hor arkay guri isagoo tuuksanayo waxa uu yiri:
“War nin yahoow maxaa ku hor istaajiyey gurigaani?

Ninkii kale ayaa ugu jawaabay “Gurigaan waxaa degen (Hooyadeey wiil ay dhashay Gabar uu qabo gabar la dhalay ayaa dhashay wiilka gurigaan degen).
Ninkii kale inta uu ku qoslay ayuu ku yiri war ma waxaad weysay cid aad tuugsato mise waxaad ku tuuksataa aqoon?

Ninkii guriga hor taagnaa inta uu yaabay ayuu ku yiri: Sxboow waxaad tahay ruux wanaagsan waana qaadanaa taladaada wanaagsan waana ka hor tagaa hadda.
Ninkii markii uu baxay ayaa al-baabka la furay isagoo horay loogu soo qaaday raashinkii subaxaasi loogu tala galay balse waxaa al-baabka guriga hor taagnaa ninkii kale.
Wiilkii guriga deganaa ayaa inta uu la yaabay ayuu ku yiri: “Adeer meeye hebel isaga oo kaliya ayaan wax siinaayee?

Ninkii tuuksanaye inta uu yaabay ayuu ku yiri: Tuuksi macaamil ma galo balse waa meeshii laga soo gaaray mida kale maanta isagaa isoo tilmaamay ina dhahay iisoo qaad.
Ninkii marka hore guriga ka tuuksan jiray ayaa inta uu usoo jeereeyey ku hor arkay guriga ninkii saaxiibkii ahaa ee waaninaye inta uu miskaha qabsaday ayuu ku yiri: “War Saaxiibow waxaan ku mooday nin wanaag igula talinaye Laakiin Maanta ayaan arkay sida aad tahay ee dhib malahan”.
Kkk War Tuuksiga qaraabo malahan balse waxaan diidaye in aan kaligaa subax waliba cunto.

Maalintii dambe ninkii hore ee tuuksiga laga raacdeestay ayaa fakiray kuna fakiray sidii uu kaga ceshen lahaa raashinka lasiin jiray ee ninkaani saaxiib ah uu kala wareegay.
Isagoo ka fakiraya arinta heysata ayuu yiri: “Hadaan iska dhigo ruux waalan oo aan tuuryeeyo guriga uu iga boobay tilaabadaasi yaa iga hortaagan?.
Maxaa kaaga baxay Sheekadaani Walaal Fikirkaaga waa Muhiim!

P1010849

P1010843Shacab ku noolaa Deegaan Gubadley ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Maalinimadii shalayto waxaa Guryahoodii Burburiyay Ciidamo ku libisan Dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Somaaliya kuwaa ay soo adeegsadeen dad kale uu sheeganayo in ay leeyihiin dulka.

Dadkaan Shacabka ah oo saxaafada geeye Goobta Guryahoodii lagu burburiyay ee Gubadley ayaa waxa ay sheegayaa in ay halkaasi Deganaayeen Mudo 30Sanadood ah iminkana ay Dowladda Federaalka ay ka dalbadeen in la siiyo aqoonsi iyo Ducuments ay ka ogolaaday Dowladda islamarkaana ay heystaan Ducuments sax ah oo ay siisay Dowladda kuna yaalo saxiixa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

HADABO HALKAANI HOOSE KA DHAGEYSO SHACABKA GURYAHOODA LA BURBURIYAY:

KU DHIFO QORAANKAAN OO DHAGEYSO: 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

DAAWO SAWIRADA HOOSE:

P1010828P1010843P1010852P1010920P1010923P1010909P1010933

P1010822

P1010927P1010868

P1010870

P1010898

P1010849 P1010914P1010926P1010928 P1010931

banaadir state

banaadir stateMadaxweynaha Maamulka Banaadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamed C/laahi Dheere ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay hanaankii Maamul usameynta Gobalada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii ay yihiin madaxda dawlad goboleydka Banaadir State ayaa Sheegay inay cambaareenayaan dilalka loo geeysanayo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkeylay Ee G/Banaadir.

Madaxweynaha Banaadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamuud Cabdulaahi dheere ayaa ugu baaqay Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii loo dhaqangelin lahaa Dastuurka Federaalka ah ee  dalka u yaala, maadaama Wasiirada qaarkood ay ku tunteen Dastuurii dalka u yaalay.

Madaxweynaha Maamulka Banadir State ayaa dhanka kale sheegay in xubno ka tirsan maamulkaasi Dowladda Soomaaliya ay u xiran yihiin ayna ka xun yihiin tallaabada Dowladda ay ku caburinayso Muwaadiniinta iyo masuuliyiinta Maamulka Banaadir State.

Sidoo kale Cabdulaahi Dheere ayaa Sheegay in dowlada Soomaaliya ay ugu hanjabtay in la xiri doono Masuuliyiinta maamulka Banaadir State,oo ugu horeeyo isaga Sida uu sheegay cabdulaahi Dheere.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa ka hadlay shirka ka soconaya magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay dowlada Soomaaliya,waxaa uuna Sheegay in dowlada ay ku fashilantahay Sugida Amaan Ee dalka.

Madaxweynaha waxaa  kaloo uu  sheegay in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaladda  Muqdisho  Jeneraal Muungaab uu lacag ku bixiyay in lasoo dilo madaxda Maamulka Banaadir State, sidii Kooxdda Al- Shabaab oo kalena rag uu u soo adeegsaday.

Masuuliyiinta Maamulka Banaadir State oo ah maamul lagu dhawaaqay dhismihiisa sanadkii 2011kii  ayaa hada caburin waxaa ku haaya Duqa magaladda Muqdisho jeneral xasan maxamed Nuur  Muungaab oo dhawaan loo magacaabay Gobolka Banaadir.

baar

baarBaarlamanka wadamada Carbeed ayaa dowladda Soomaaliya uga tacsiyeeyay dilkii muddo 24 saac gudahood loogu geystay magaalada Muqdisho.

Wakaaladda wararka KUNNA ee dalka Kuwait kasoo baxda ayaa baahisay in Baarlamanka Carbeed ay xanuun iyo murogo la wadaagayaan Xukuumadda Soomaaliya kadib muddo 24 saac gudahood oo Muqdisho looga dilay Laba xildhibaan iyagoo ku tilmaamay falkaasi mid murogo iyo tiiraanyo leh.

Baarlamaanka Carabtu waxaa uu ugu baaqay xildhibaanada Soomaaliya inay ku niyad jabin weerarada noocaas oo kale ah oo aysan ka laaban shaqada ay bulshadda u hayaan.

“Baarlamaanka Carabta waxaa uu balan qaadayaa inuu xoojiyo wada shaqaynta iyo taageerada xildhibaanada iyo dawlada Soomaaliya si Soomaaliya looga waayo cid argagax abuurta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ururka baarlamaanka Carabta.

Tacsida ay ujeediyeen Baarlamanka Carbeed Dowladda Soomaaliya iyo xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kusoo aadeysa xilli horey Midowga Africa iyo QM uga tacsiyeeyeen dilkii loo geystay xildhibaanadaasi.

Wasiirka

WasiirkaWasaarada amniga Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa masuuliyiinta Dowladda ku jira waxa ay ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan ammaankooda.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada amniga Soomaaliya Ibraahin Isaaaq Yaroow, ayaa usheegay Warbaahinta in masuuliyiinta Dowladda ku jira iyo dadka waxgalka u ah Bulshada inay ammaankooda ka taxadaraan.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameedsanayaan dadka Dowladda kujira, sidaasi awgeedna loo baahan yahay aragti dheeri ah oo dhanka ammaanka ku saleysan.
Dhanka kale Ibraahin Isaaq Yaroow, ayaa ku eedeyay Shabaab inaysan dooneyn horumarka Shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri ay laynayaan dadka shacabka ah.
Labadii maalin ee aan soo dhaafnay Muqdisho waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay labo Xildhibaan oo Dowladda ku jira, halka midkalena iminka uu yahay dhaawac.
Ammaanka Muqdisho oo ay Dowladda gacanta ku hayso, waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo ay masuuliyadiisa sheegtaan Ururka Al-Shabaab.

habaab

habaab Al-Shabaab ayaa waxa ay ku habjabeen inay siiwadayaan dilalka ay ugeysanayaan Xildhibaanada kujira Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan.

Labadii maalin ee aan soo dhaafnay waxaa Muqdisho lagu dilay labo Xildhibaan oo mid gaarigiisa qarax loogu xiray lagu dilay, halka midka kalena shalay lagu toogtay Muqdisho.

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay siiwadayaan dilalka ay ugeysanayaan Xildhibaanada Barlamaanka ku jira.

Dhanka kale Afhayeenka guud ee Al Shabaab, ayaa ku goodiyay in ay cagta marin doonaan gebi ahaanba Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo laga duulaayo sida uu yiri, sidii meesha looga saari lahaa waxa uu ugu yeeray asnaamta la caabudo.

Cali Dheere, ayaa dagaal-yahanada Shabaabku ku booriyay in ay kordhiyeen beegsigooda ka dhanka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu fadhigoodu yahay Xarunta Somaliya ee Muqdisho.

Sikastaba Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada waxaa soo foodsaaray walaac dhanka ammaanka ah.

markab

Hawlgalka lagu soo saaraya meydadka rakaabkii saarnaa markabkii arbacada degay ayaa wali socda.

 

Qaraabada tiro kor u dhafeysa 250 qof oo raqdood iyo ruxoodba layaway kadib markii uu la dagay markab ku dhex dagay biyaha bada malintii arbacada

Markabkan oo laga lahaa wadanka kooriyada konfureed markabkan aya waxay isku dheceen ciidamada booliska inta usan dagin,

Xubnaha qoysaska dadka la la’yahay oo ka carooday sida gaabiska ah ee uu u socda hawlgalka baadigoobka ayaa dalbanayay in la soo saaro meydadka eheladooda ee ku dhex xanniban gudaha burburka markabka.

Habeennimadii xalayto, bad-maaxiinta baadigoobka ugu jira meydadka ku dhex xanniban gudaha markabkaasi ayaa markii ugu horreysay waxa ay soo saareen meydadka 17 qof oo hor leh, kaddib markii ay ku guulaysteen in ay gudaha u galaan markabkaasi.

Ilaalada xeebaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in bad-maaxiintu aysan sheegi karin goobta gaar ahaan ay meydadkani ka soo saareen sababo la xiriira aragtiga gunta hoose ee biyaha oo aad u xun.

Ilaa haatan 49 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen

 

wasaaa

Odayaal dhaqameyd kasoo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay dhaliil culus usoo jeediyeen Wasaarada arimaha gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka, taasi oo ku saabsaneyd dhanka ammaanka Gobalka ayadoona wasaarado ay ka bixisay jawaab islamarkaana ay aqbashay.

Wasiirka arimaha gudaha Dowladda Fidraalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Magaalada Beladweyne, ayaa sheegay inay qaadanayaan dhaliisha dhanka ammaanka ah ee Odayaasha Gobalka usoo jeediyeen.

Wuxuu sheegay Mr Guuleed in sideedaba dhaliisha ay tahay mid wax saxeysa aysana aheyn mid wax dumisa sidaasi awgeedna laga rabo qof waliba inuu qaato dhaliishiisa.

Maamulka Gobalka iyo midka degmada ayuu sheegay Wasiir Guuleed inuu uqaadayo dhaliisho loo jeediyay.

Siakstaba Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay feejignaan la’aan dhanka ammaanka ah oo ka taagan magaalada Beladweyne, maadaama Magaalada ay ka dhaceen Bishan iyo Bishii ka horeysay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo dad badan lagu laayay.

BAADIYOW7

Maalmihii ugu danbeeye ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah ka dhacayeen Magaalooyinka Kampala iyo Nairobi kuwaa ay ku shirayeen Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo kala duwan ayaa qaarkood Dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay ka gaabisay waxyaabihii loo idmaday.

Dr Cabdi Raxmaan Macalin Baadiyow oo ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyed oo la hadlay qaar ka mida bahda saxaafada ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya waxyaabaha qaar ay ku yeelaneyso dhaliil isagoo Carabka ku adkeeyay in ay ka gaabisay Dowladdu waxyaabihii loo idmaday eena ugu horreyso Amaanka.

Dhinaca kale Dr Baadiyow ayaa waxa uu tilmaamay in arimo badan oo loo baahnaa in ay Dowladda wax ka qabato aysan wali wax ka qaban hasa yeeshee ay SiyaasiyiintaSoomaaliyeed dib kasoo Cadeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhaliisha ay Siyaasiinta soomaaliyeed qaarkood ay u jeedinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay imaaneysa Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay qaraxyo ka dhacayeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kuwaasi oo sababay qasaaro isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac oo kasoo gaaray Shacabka Soomaaliyeed.

War-Xaqiida kusaleysan Mar walbo meel kasto kala soco webka Caalamiga ah ee WWW.Bartamaha.com

Dhalinyaradeenu waa kuwa inta badan doobnimo ku dhameysta noloshooda balse dadaalkooda kadib waxaa u suura gasha ineey rajadooda ka mira dhaliyaan kuwaasoo caqabado kala duwan kala kulma habsami socodka Nolosha.

Ragga iyo Dumarka Alle waa uu isku abuuray waa kuwa isku baahan isku baahi tira dareemadooda la iskugu tala galay, Diinteena suuban waxa ay noo jiheeysay macaanida nolosha waxa ay noo baneeysay wixii wanaaga ku jira iyadoona naga reebtay xumaatada.

Hadaba Qanaacada darada dumarka waxa ay ku timaad siyaabo kala duwan , caadiyan waxaa haboon in labada ruux ay isku guursadaan Jaceyl iyo xulasho labada dhinac ku timaad .

Hadii ay yimaadaan caqabado laga fursan waayo labada lamaane ee Jaceylka isku guursaday waxa ay si deg deg ahi ku raadiyaan xalka iyadoo aysan dhiceyn in duruuftaas la iskaga tago garab in la isku siiyo mooyee.

Wiilku hadii uu waqtigiisa badankiisa kusoo dhameysto doobnimo waxa uu wehel iyo saaxiib u ahaa waxyaalo badan sida isaga oo isticmaala Gacantiisa & Agab aan hormarsaneen, isagoo joogteeya wehshiga waxyaalaha caafimahadka u daran.

Isagoo u baahan inuu la qabsado nolosha cusub maadaama uusan in mudo ah la kulmin ama ay ugu danbeeysay marxaladaas, Hadaba waxaa haboon inaad Fikir ahaan la tashato Dhaqaatiirta oo aadan qarsan , wixii talo ahna saaxiibkaaga qaaska ah eed ku kalsoontahay kuna caawin kara u weydiisin sidii qof talo doon ah ugana sheekeysay dhacdo qof kale heysato oo kale.

Gabadha waxaa haboon in eeysan niyad jabin Seygeeda ugana dhigto waxyaabo basiid ah balse xalka la baadi goobto iyadoo ka caawinaysa waxyaabaha ay awoodi karto.

YAA SALAAM– Fanaanada caanka ah Janet Jackson oo ay walaalo ahaayeen fanaankii geeriyoodey ee Michael Jackson ayaa lagu wadaa in Gu’ga soo socda ee sanadkan 2013 ay kula aqal gasho magaalada Doha ee wadanka Qadar ganacsade Wissam Al Mana oo ah nin billionaire ah oo Qadar u dhashay kaasi oo ay baacsanaysay mudo laba sano ah.

Sida uu qorey wargeyska Us Weekly ee ka soo baxa wadanka Mareykanka waxaa lagu wadaa in xaflada arooska ay ka soo qayb galaan ehelada iyo saaxiibada Janet Jackson iyadoo Wissam oo 37 sano jir ah kana yar 9 sano haweenayda uu guursanayo uu ku daabuli doono dadka ka socda Janet ee arooska ka qayb galaya diyaarad khaas ah oo ka qaadi doonta wadanka Mareykanka gaynna doonta magaalada Doha ee dalka Qadar.

Guurka Janet Jackson & Wissam Al Mana ayaa ku soo aadayaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Fanaanada ay Janet Jackson, sida uu qorey wargeyska Us weekly, waxaa kale oo arintan xaqiijiyey qoraaga weyn ee caanka ah ee dalka Turkiga u dhashay ee lagu magacaabo Adnan Oktar oo sidoo kale loo yaqaan Harun Yahya, isagoo sheegay in Janet Jackson ay Muslimtey iyada iyo waliba Michael Jackson -kii geeriyoodey

.
Bishii November ee sanadkii 2008-dii wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa magaalada London wuxuu qoray in  Michael Jackson uu muslimay, iyadoo xaflad gaar ah oo ay ka soo qayb galeen saaxibadiis uu ku qaatey diinta Islaamka, iyadoo arintaasi uu qayb weyn ka qaatey walaalkiis oo lagu magacaabo Jermaine balse markii uu Islaamay la baxay magaca Mohammad Abdul Aziz kaasi oo sheegay in mar uu booqdey wadanka Sacuudiga si uu u soo guto waajibaadka Xajka in uu u keenay walaalkiis kutub lagu turjumay luuqada Ingiriiska oo ka hadlaya wanaaga iyo qiimaha diinta Islaamka, iyadoo la sheegay in Michael Jackson uu aad uga helay kutubtaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in Michael Jackson dilkiisa ay ku lug laheyd qaadasha diinta Islaamka, iyadoo laga cabsadey in saameyntiisa xoogan ee uu ku leeyahay dunida gaar ahaan malaayiinta taageerayaashiisa ahaa ay iyaguna ku biiraan diinta Islaamka, taasi oo tuhunku ka dhashay markii la cadeeyey in dhakhtarkiisii gaarka ahaa uu ku lug yeeshay dilkiisa isagoo haatan maxkamad uga socoto wadanka Mareykanka.

Janet & Wissam waxay isku guursan doonaan xaflad ku saleysan dhaqanka Muslimiinta , sida uu xaqiijiyey qof ku dhaw caruuska iyo caruusada.

Xaflada arooskan waxaa ku bixi doonta 20 milyan oo doolar, iyadoo 3 milyan oo kaliya ay ku bixi doonto duulimaadka 500 qof oo ah marti sharafta arooska ka qay galaysa oo dunida dacaladeeda ka kala imaanaya

Caruus Wissam waxaa la xaqiijiyey in qof kasta oo arooska ka soo qayb galaya uu hadiyad iyo mahad celinta ka soo qayb galka arooska uu u siin doono saacad nooca Rolex ah oo qiimaheedu joogo 150 kun oo doolar.

Janet oo 46 sano jir ah waxay baacsanaysay Wissam Al Mana mudo laba sano ka badan, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in ujeedada uu uga biyo diidsanaa in uu guursado ay ugu weynyd isagoo ku xiray shuruuda ah inay Islaam noqoto, arintaasi oo haatan la sheegayo inay dhabowday.

Wissam Al Mana waa maalqabeen ganacsi kala duwan oo ay ka mid yihiin dukaamada waa weyn & warbaahinta iska leh, waana agaasime guud ka yahay shirkada Al Mana Retail oo ah shirkad wakiil uga ah wadanka Qadar dukaamnka caank aah ee Armani Exchange, sidoo kale wuxuu saami ku leeyahay dukaamada waa weyne e caanka ah ee Saks Fifth Avenue ee dalka Mareykanka xaruntoodu tahay, hase yeeshee dunida daafaheeda ku leh xarumo.

.
Janet Jackson qudheedu waa millionaire waxaana hantideeda lagu qiyaasay 150 milyan oo doolar, waxaana guurkan uu noqonayaa kii sadexaad iyadoo laba guur hore oo ay soo martey ay guuldaro ku dhamaadeen.

Sanadkii 1985 waxay is guursadeen fanaan James DeBarge oo ay dhalinyarinimadii saaxiibo isku dhintaa ay ahaayeen, laakiin lix sano ka dib waxay si qarsoodi ah u guursatey René Elizondo oo ahaa Laxan sameeye iyo soo saare heesaha, inkastoo ay isfureen sanadkii 2000-kii.

Janet  waxay kaloo xiriir saaxiibtimo mudo todobo sano ah la laheyd Jermaine Dupri oo ahaa Soo saare Mustic-ga, waxayna had iyo goor gees isaga riixdaa inay shukaansato ragga ka da’da yar iyadoo arimahaasi ka hadlaysa waxya tiri: “ Hooyadeen waxay had iyo goor inagu soo korin jirtey, dhamaanteen waxay inoo sheegi jirtey oo kaliya in aan rumaysano in da’du tahay lambar oo kaliya, waxaan idiin sheegaynaa da’deena, waayo waa halka aad u qaadaan maskax ahaan, iyo sida aad u aragto naftaada wax macno ahna ma leh”

.

.

.

By

waraka kaga helayo Goblada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in Dumarka kasoo jeeda Gobaladaasi ay bilaaben inaysan guursan dhalinyaro aan kamid ahayn Kooxda Al-Shabab

Wararka ayaa intaa kusii daraaya in Dumarka Kunool Gobaladaasi ay isku raaceen in ay iska ilaaliyan dhalinyarada caadiga ah islamarkaana ninka guursanaayo ay ku xujeeyan inuu kamidyahay Alshabaab
Muumin Mukhtar muriidi oo  kamid ah dhalinta Baydhaba kunool ayaa sheegay in dumarka ay bilaaben inay raga ku xujeeyan inuu kamid yahay Al-Qacidada Somalia hadii uusan kamid ahayna ay ninkaasi ka fogaanayan sida uu hadalka u dhigay Muumin Mukhtar
Dhanka kale Dumarka Gobaladaasi ee xaaska u ah Dagaalyahaanada Shabaab ayaa kusoo qul-qulaya Magaalada Muqdisho kadib markii Muqdisho ay dib ugu soo laabanaayan dadkii kunoolan jiray
Arintaan ayaa waxa ay dhabar jab xoogan ku tahy dhalinta gur doonka ah ee ku nool gobaladaasi oo iyagu imika baahi weynuqaba in ay guri yagleshan.

ASC Akhristayaasha sharafta leh Waxa uu maanta website-ka Bartamaha idiin hayaa warbixin aadan waligii arkina hadaba Daawo Sawiradaan oo sii aqri warbixinta.

Mandela Danyo waxa uu u dhashay dalka Mareykanka, in mudda ah waxa uu la xanuunsanaa Jaceyl isaga oo waxbadan ka badalay Noloshiisa, Mandela waxa uu jeclaa Haweeney u dhalatay Dalka Ingiriiska waxa uuna usoo bandhigtay Jaceylka uu u qabay Haweeneydaasi

Dhowr Sanno kadib Haweeneydii lagu magacaabayay Maria oo uu Jeclaa Mandela waxa ay bilowday inay dayacdo Jaceylka Mandela waxa ayna ku biirtay Haweenka Jila Riwaayadaha dalkaasi Ingiriiska iyaga oo durbadiiba guursatay Nin Jilaa ah

Maria aqal galkeeda kalama aysan tashan Mandela oo ahaa nin ay wada galeen Axdi hayeeshee waxa ay indhaha tirtay Mandela waxa ayna muddo kadib u sheegtay Mandela inay iska dhaaftay Jaceylka ay u heysay islamarkaana ay calmatay Nin dhigeeda ah oo ay isla jilaan Riwaayadaha Nasiib daro waxaa is-bedel ku imaaday nolosha Mandela waxa uuna u tafa xeytay waali isaga oo mar qurah isku bedelay nooc aan lagu aqoon waxa uuna ‘’Durtay gabi ahaan Wajigiisa’’ sida idinkaga muuqata Sawirka

Si kastaba ha ahaatee Mandela waxa uu bilaabay inuu magaaladda ku wareego waji aan lagu baran waxa uuna ka dhex baxay Bulshadii uu ku dhex noola waxa uuna caadeystay inuu wadooyinka ku damaashaado Muuqaalka iminka idin muuqda, mana jirto Cid iska xil saartay bad-baadinta Mandeela oo ah nin la xanuunsaday Jaceyl.

ddd

Waxaa muhiim ah in labada lamaane niyad ahaan iyo jir ahaan degan yihiin oo uusan jirin wax daal ah taasi waxa ay keeneysa in si macaan loogu raaxeysto baashaalka iyo galmada

Jirka oo daalan lama helayo wax raaxo ah , waxana muhiim ah in istimtaacu dhaco iyadoo jirka fir-fircooni leeyahay oo uusan daalneyn nooc waliba ha ahaadee daalkasi
Goobta baashaaalka ka bilaabanayo labada lamane ayaa waxa haboon in uu diyaar u yahay baashaalkasi isla markaana jirin wax wiiqaya in raaxo macaan ay helaan
Raaxada baashalka ayaa ku bilaabaneysa hadalo jilicsan , dhunkashado iyo istiimin jirka intiisa kale iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee keena in dareenka kaco raaxana la dareemo
Waxaa muhiim ah in labada dhinac ogaadaan mid kale waa sura gal ah in ninka macaanka baashaalka dareemo una baahdo in galmood sameeyo halka xaaska ka gaarin baahidaas
Marka baashaalka dhamaado xiliga waalida lagaarana oo la isu tago shaqadana dhaamato ayaa waxa ragga lagu tilanayaa in durba la soo bixin waayo haweeneydu waxa ay u baahan tahay in xoogaa xaalku sidiisa sii ahado ayna hesho qoor gilin iyo dhunkasho macaan
Waxa dhici karta in xaaska xanaaq ka qaado marka ninka shaqada bogto durba la baxo , iyadoo la xusay in haweenka dareen kii hore ka mac ay hesho marka daqiiqado lagu dhex nasiiyo

xukun1

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa shalayto waxa ay dil doogasho ah ku xakunatay Laba nin oo lagu helay dinbo Kufsi ah

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Liibaan Cabi Yarrow, ayaa waxa uu saxaafada u sheegay sida uu dilka lo fuliyay iyo magacyada ragga latoogtay oo fulinta xukunkoodu uu kadhacay Dugsiga tababarka Police-ka ee General kaahoie.

Jamacaal Axmed Cabdulqaadir oo kamid ahaa ragga lagu fuliyay dilka toogashada ah ayaa waxaa lasheegay in uu ahaa askari Police ah kaas oo 5-tii bishiii 10-aad 2012-ka mawaadin Soomaliyeed ku khaarijiyay degmada Dharkenyley ee gobalka Banaadir kadibna uu maxkamada kahor qirtay.

Ruuxa labaad ayaa waxa uu ahaa Cabdi Cusmaan Cali (Magacan) oo horay uga tirsanaa Ciidanka xooga dalka, kaas oo lasheegay in 10-kii bishii 9-aad 2012-ka uu gabar Soomaaliyeed oo lagu magacabo Nuuro Cadow kufsi ugu geestay degmada Yaakhshiid ee gobalka Banaadir.

Fulinta xukunkaan ayaa waxa uu yadadiila cusub gelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay dhibaato kuhayeen dilalka aan laga fiirsan iyo kufsiga haweenka lagula kacayo.

Waa markii ugu horeysay ee ruux haween Soomaaliyeed kufsi kula dhaqaaqay dil toogasha ah lagu xukumay tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliyeed uu shaaciyay in ladilayo ruuxii kuxad gudba sharafta haweenka Soomaaliyeed.

Inta badan Geeraarku wuxuu ka qeyb qaataa kobcinta Jaceylka haba ugu badnaado waqtiga Haasaawaha Labada Lamaane ee Shukaansiga.

Geeraarkaan waxa uu la magac baxay HAMUUN JACEYL waxaana inta badan Shabakada Aduun.com idiin soo gudbisaa geeraaro hadba mowduuc ah kaasood Nasiibkaaga ku kasban kartid mid adiga kugu saabsan ama Magaca Lamaankaaga ku saabsan.

Ku bilaaw sedex sadar oo Jeybkaaga ah kaasood qalbigaaga ka keensanaysid hana ahaado mid Xarafka ugu horeeyo ka bilaawdo H kadib ku dabo qabo sidaan..

Hamuun baan kuu qabaa

Halbowlihii dhiigga siday iyo

Howl wadeenkii jirkoo idil

Heegan buu kuu yahey

Haddaan kuu jeedi waayo

Hurdo caashaq maan helin

Hilowga aan kuu qabo

Howlaha adduunkaa

Is hareero yaallee

Hoog iyo caloolyoow

Hurdo xumaan ku noolahay

Haasaawe maan helin

Hilowga aan kuu qabo

Habeenkii oo idil

Hareerahaan kaa dayaa

Hamuun caashaq baa I helay

Heesaha jaceylkuna

Adaa igu habay dhammaantood

Horaadkaaga I saaroo

Hamuunta iga gooy.

Sida aad Mowduucaba ka aragtaan waxaan jeclnahay inaan Diirada ku saarno Sababaha keena in Hooyada dhashay wiilka ( Sodohda ) Naceyb loo qaado taasoo Soomaalida ku badatay waayahaan.

In sodohda La naco waxay ku timaad qodobo badan mana lasoo wada koobi karo astaamaha lagu naco Hooyada wiilka dhashay , Balse waxaan jecelnahay inaan soo bandhigno Muhiimadaaas.

Badanaa Gabadhu waxay ku nacdaa Sodohdeeda waxaa ugu weyn in lala dajiyaa ama la ag dajiyaa , taasoo keenta Xisaabtan iyo toos toosin lagu sameeyo gabadha.

Waqtigii ay gabadhu joogtay guriga hooyadeed waxaa loola dhaqmi jiray ineey caruur tahay balse Guri ay iyadu leedahay markeey dagto waxay ku fakaraysaa ineey yeelato Guri gaar u ah iyada , Hooyada wiilka dhashayna waxay isku dayaysaa ineey Saacido oo ay guriga la maamusho.

Gabadhu waxay durababa dareemeysaa iyadoo ku fakaraysay ineey kasoo gudubtay gurgii ay Caruurta ka eheed imaatayna Guri ay xor u tahay in ay Hooyadu wiilku hadana la maamusho Gurigeeda taasna waxay keentaa in Gabadhu ay ku nacdo Hooyadaas erey joogta ahna ka keento

Way badan yihiin Waxyaabaha lagu naco Hooyada wiilka dhashay (SODOHDA ) balse gabadh walbo waa mid si gaar ah u qabsata , Shabakada Aduun.com oo Akhristayaasheedu qibrado kala duwan uleeyihiin mowduucaan ayaan jeclahay inaan fursad isiiyo sii dhamaystirka Maqaalkaan & Fikradahooda ku aadan Naceybka Sodohda iyo Gabadha u dhaxeeya.

Xoreey Noloshaada Oo Ha Noqon Qof Xirxiran………………… Ku Bixi waqtigaaga Dadka Hagaagsan oo ku dayashada mudan, si aad u hesho caqli nadiif ah oo aad kaga guuleysato nolosha cajiska maxey tahay sababta aad kaga guuleysaneyso? Nolosha caajiska waa horseedaha burburiyaha qalbiga haddii taasi dhacdana waxaa gebi ahaanba burburay noloshaada oo idil

Goor hore go’aanso waxa hortaada yaal……………… xilliga go’aan qaadashada ma ahan wax dhib yar mana ahan wax markiiba lagu degdego Oo maahmaah soomaaliyeed ayaa oroneysa ” DEGDEGSIINYO DOOR MA DHASHO ” marka waxaa loo baahan yahay inta aadan go’aansan talada, waxaa haboon in aad dhinacyo fara badan ka eegtid, kolba aad go’aan gaareysid waa inaad u kala saarta faa’iido iyo qasaaro sababta ayaa noqoneysa wax weliba waxaa ku lamaansan guul iyo guul daro

Ogolow Dhigaada in Aad fursad siiso………………………. marka aad milicsato ruux xambaarsan aragtiyo kala duwan fursad sii, taasi ayaa fududeynayso in aad kala qaadataan xogo muhiim ah oo la xiriira nolosha iyo dabeecada, maxay noqon natiijada waxaa markiiba garaneysaa fikrada uu xambaarsanayahay iyo waxa uu damacsanyahay, Adigase waxaa lagaa Doonaaya in aad kala saarto waxa kaala gudboon fikirkiisa adigoo eegaya wanaaga iyo Qadarinta qofka aadanuhu mudan yahay

Qof Weliba U Muuji Naxariis iyo Xushmad……………… Naxariista iyo xushmada waxa ay kaalin weyn kaga jirtaa nolosha wanaagsan waxa ay sahasha in aad bulshada sumcad ka kasbato sidoo kale waxa ay sahashaa in bulshada guud ahaanteeda ay xiiso weyn kuu qabaan la kulankaadase ay ku fekeraan heer si dadka martabada sare leh

Darajada qof leeyahay Ha Xaqirin………………… waa xaasidnimo tan ugu xun in aad xaqirto darajada qofku leeyahay waayo is naceybku waxa keena in darajada aan la isku ogoleyn oo la isku diido horumarka lagu tilaabsado sababtoo ah wanaaga bulshada waxaa kaalin ka ciyaarta in la isku ogolaado darajada qof leeyahay

La Soco Qeybaha kale Insha Allah

Geeraarada Jaceylka badankoodu waa kuwa Anfaca Ruux wax jecel iyo kan Lajecelyahayba , Waxa uu ka qeyb qaataa Dib u dajinta Qalbiga isagoo Ruuxa adeegsadaa Qiimo uyeelo.

Hadaba Laamaankaaga Lab & Dhadig kuu yahayba Udir Dhanbaalkaan , Adigoo Ku Daraya magaciisa/Magaceeda iyo Ereyo kooban oo qalbigaaga ka imaanaya waa Hadii aad Si dhab ah ujeceshahay qofkaasi.

GEERAAR AMMAAN AH:

Dahab baa lagu moodaa

Hadduu ruux ku daawado

Kaama daayo eegmada

Danihiisa wuu gabaa

Da’yar wacan inaad tahay

Dadkaan u sheegaa

Daliil looma baahna

Da’yartii qurxooneyd

Dadku eegi waayeen

Dahab la mood inaad tahay

Daah igama saarna

Dooq hadduu jiro

Da’yar loo qaadiyo

Dad kale uma qalmo

Doolar iyo diinaar

Inta hanti dunidaan taalo

Adigaa ka door roon

Damqashada jirkeygaan

Weli wuu dareemaa

Daacad wacan inaad thay

Dadkoo dhan wey yaqaanaan

Waxaan Kasoo maaanguurinay Buuga Fariimo Jaceyl.

By: Staff

_WAR CUSUB

Madaafiic ayaa xalay abaarihii 1-dii habeenimo ku soo dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn halka jiho ahaan laga soo tuuray.

Bartilmaameedka madaafiicdan ayaa ahaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana nawaaxigeeda ku soo dhacay tiro hoobiyeyaal ah.

Inkastoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda, hadana madaafiicdan ayaa ah markii labaad oo lagu garaaco qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya dalka ka maqan tahay.

Hal qof oo ah hooyo dhashay afar caruur ah ayaa ku dhimatay, halka afarta caruur kalena ay ku dhaawacmeen madaafiicda.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay abaarihii 1-dii uu madfac ku soo dhacay nawaaxiga Xarunta degmada Wardhiigley, ayna jiri karaan qasaare intaa ka badan.

Muqdisho ayaan ku cusbeyn maqalka madaafiicda, inkastoo dadku aysan in mudo ah dhagahooda ku soo dhicin hugunkii madaafiicda, oo magaalada ay joogto ka aheyd xilligii ay aagaga dagaalka aheyd inta aan laga saarin Al-Shabaab

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc