Calendar

Cayaaraha gobalada Puntland oo gabo gabo maraya iyo Xulka Nugaal oo shalay Fiinalka usoo baxay (sawirro)

Garoowe_ Waxaa gabo gabo maraya tartanka ciyaaraha kubada cagta gobalada Puntland ee ka soconaya garoonka Miro awaare ee magaalada Garoowe, waxaana maalintii shalay Fiinaalka usoo gudbay xulka gobalka Nugaal oo gool Rigoore ah kaga guulaystay xulka gobalka Mudug.

Ciyaartii shalay oo ahayd mid siweyn loo wada sugayey waxa ay xiligii loogu talo galay kusoo idlaatay (0-0), iyadoona markii dame lagu kala saaray gool ku laadyo, waxaana guusha la hoyatay kooxda Gobalka Nugaal kadib markii ay kaga adkaadeen xulka Mudug 4-1.

Cayaarta kama damaysta ah ayaa dhici doonta 23-ka bishaan waxaana fiinaalka isuguso horay labada xul ee gobalada Nugaal iyo Sool, waxaa la sugaaaba waa cida la hoyata guusha tartanka gobalada Puntlan.

IMG_5529 IMG_5530 IMG_5533 IMG_5535 IMG_5536 IMG_5538 IMG_5541 IMG_5544 IMG_5556

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: