Calendar

KENYA: Weerarada Al Shabab ma saamaynayso joogitaanka ciidamadeena Soomaaliya

BARTAMAHA – William Ruto Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in weerarada kusii badanaya dalka Kenya aysan keeni doonin in ciidamada Kenya ay kasoo baxaan Somalia ,balse waxa uu tilmaamay tani iney sii kordhindoonto in ciidamda Kenya ay siiwadaan nabad kusoo celinta Somalia.

”Ciidamada Kenya waxay baaqi kusii ahaan doonaan dalka Somalia iyagoo qeyb ka ah howlgalka midowga Africa Somalia ee (AMISOM).”sidaa waxaa yiri William Ruto.

Wakalada wararka ee Xinhua ayaa kasoo xiganeesaa madaxweyne kuxigeenka Kenya in ciidamada Kenya ay waajib kutahay iney qeyb ka ahaadaan nabad kusoo celinta Somalia iyo ladagaalanka Argagixisada.

Hadalka William ruto ayaa imaanaya xili dhinacyada mucaaradka Kenya ay dalbanayaan in ciidamada Kenya laga soo saaro dalka Somalia si ay ujoogsadaan weerarada Kenya kadhaca.

Madaxweynaha Kenya uhuru Kenyatta ayaa sheegay isaguna horaantii sanadkan in ciidamada Kenya aysan kabixidoonin Somalia ilaa ay wiiqanto awooda Al-shabab.

2011 markii ciidamada Kenya Somalia ay soogaleen waxaa Kenya kadhacaye weeraro khasaaro farabadan geystay oo ay sheeganayeen Al-shababka Somalia kadagaalama,waxaana ugu dambeeyay weeraradii shabaabku ay kuqaadeen magalada Mpeketoni ee jaziirada Lamu oo ay kudhinteen in kabadan 65-ruux.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: