Calendar

Ciidamada Alshabaab oo xabsiga dhigay dad lagu Eedeeyay jabinta amarada Maamulka Degmada Bu’aale Ee Gobolka Jubada Dhexe.

holBartamaha(Bu’aale):-Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa xabsiga u taxaabay dhalinyaro iyo haween la sheegay in ay shareecada jabiyeen kuwaasi oo maanta la qabqabtay.

Howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Bu’aale ayaa waxaa lagu qabqabtay dhalinyaro la sheegay in ay qaab qaldan timaha u jarteen.

Ciidamada Howlgalada sameeyay ayaa waxa ay sidoo kale Xabsiga Degmada u taxaabeen Haween la sheegay in ay qaadan waayeen Xijaabka la faray in ay xertaan oo horey maamulka ay u fareen.

Dadla xabisga la dhigay ayaa waxaa laga yaabaa in dhawaan Maxkamad la saaro ama ay xukun ku ridaan Saraakiisha Alshabaab ee ka taliya Degmadaasi Bu’aale Gobolka Jubada Dhexe.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: