Calendar

Maxkamada Ciidamada Dowlada KMG ah oo maanta Askari dil ku xukuntay.

ciidaBartamaha(Muqdisho):-Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dowlada KMG ah ayaa  maanta xukun dil ah ku riday askari Ciidamada ka mida oo dhawaan dilay Haweenay ganacsata ah.

Maxkamada Ciidamada oo maanta la soo taagay Ganac ku dhiigle Ibraahim Axmed Maxamuud ayaa waxaa Maxkamadaynta oo socotay muddo 3-Saacadood ah ka dib waxaa Askarigaasi lagu xukumay Dil toogasha ah.

Gen.Cali Xaaji Isxaaq Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Dowlada oo ka hadlay goobta kuna dhawaaqay Xukunka ayaa waxa uu sheegay in ninkaasi uu si bareer ah dilka u geystay sida uu qirtay sidaasina ay Maxkamada ku riday Xukunka dilka ah.

Xukunka dilka ah ee laguriday Askariga Ciidamada Daraawiishta ka tirsan ayaanan la ogayn xiliga uu dhaqan galayo oo lagu fulinayo dilka lagu xukumay iyadoo Maxkamada ay horey dil toogasha ah ugu riday illaa 6-askari wallow aan weli la toogan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta and tagged , , .
« »

Comment: