Calendar

Ciidamada Xizbul Islaaam oo Balad-Weyne buuxiyay iyo dagaalo laga cabsi qabo in ay duleedka magaalada ka dhacaan.

balad-weyne2Bartamaha(B/Weyne):-Ciidamo gurmad u ah  Xizbul Islaam ayaa gaaray Magaalada Baladweyne kuwaasi oo dhaqdhaqaaqooda laga dareemay gudaha Magaaladaasi.

Wararka naga soo gaaraya B/Weyne ayaa sheegaya in ciidamo xoogan ay gaareenb magaaladaai ka dib dagaalo soo noqnoqday oo ka dhacay duleedka Magaaladaasi Baladweyne oo ay ku soo wajahanyihiin Ciidanka Ahlu Sunnah.

Wararka barqanimadii maanta na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidanka Xizbul Islaam ay dageen dhammaan wadooyinka magaaldaasi iyo duleedka galbeed iyo midk bari Ee Balad-Weyne.

Mar waliba waxaa la filan karaa dagaal ka bilowda duleedka Magaalada maadaama Ciidanka Ahlu Sunna iyo Xizbul Islaam ay isku sii siqayaan taasi oo dagaal ka dhalin karta Duleedka Magaalada.

Labadii malmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal xoogan uu ka dhacayay duleedka Magaaladaasi B/Weyne kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Xizbul Islaam iyo kuwa Ahlu Sunnah oo doonaya in ay Bladweyne qabsadaan.

Wararka ugu danbeeya dhammaan Gobolada Soomaaliya kala soco www.Bartamaha.Com

soo bandhigaha wararka sugan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: