Calendar

Ciidamo ka yimid Jubooyinka oo Xalay Muqdisho soo galay iyo dhaqdhaqaaq laga dareemay aagaga ay joogaan Islaamiyiinta.

islaamiyiintaBartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka socda Islaamiyiinta gaar ahaan Xarakada Alshabaab ayaa Xalay soo galay Magaalada Muqdisho iyadoo saan saan colaadeed laga dareemayo dhufaysyada ay joogan Mucaaradka.

War lagu kalsoonyahay oo Xalay soo gaaray www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab Ciidamo ka socda ay Xalay Magaalada soo galeen kuwaasi oo dhanka Jubooyinka laga keenay.

Ciidanka Magaalada soo galay ayaa waxa ay wateen gaadiid dagaal oo aad u fara badan kuwaasi oo ay kala yimaadeen Gobolada Jubooyinka oo dhawaan ay dagaalo ka wadeen.

Ciidanka Magaalada soo galay ayaa waxaa watay sargaal sare oo ka mida Alshabaab Jubooyinka kaasi oo haatan Muqdisho ku sugan iyadoo Ciidankaasi saaka ay qaarkood dageen aagaga dagaalka qeybo ka mida.

Dhaqdhaqaaq aan dhawaanahan mgaalad laga dareemin ayaa lagu arkay dhufaysyada ay Magaalada Muqdisho ka joogan Xoogaga Alshabaab kuwaasi oo inta badan ay dagaalo kul galaan Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada.

Imaanshaha Ciidanka cusub ee Alshabaab ka tirsan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Caasimada Muqdisho laga dareemayo abaabul xoogan oo dhanka Dowlada ah iyadoo maalin ka hor Wasaarada Arimaha Gudaha ay daaha ka qaaday in Saddex cisho gudaheed Muqdisho ay ku qabsan doonto.

Hadaba isku soo duube Magaalada ayaa waxaa isku haya xiligan Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada oo dhinac ah iyo Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo dhanka kale Mucaarad ku ah jiritanka Dowlada iyo joogitaanka Amisom kuwaasi oo inta badan shacabka dushooda ku dagalaamaya qasaara badana Bulshada ay gaarto oo aan cidna wax iska weydiin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: