Calendar

Ciidamo katirsan Puntland oo lala beegsaday Qarax Miino

Bosaso_ Qarax nooca laga hagao rumuutka ayaa galabta lala beegsaday ciidamo katirsan Puntland oo marayay deegaanka Yalho ee gobalka Bari, waxaana la sheegay inuu khasaare ka dhashay.

Ciidamada lala eegtay qaraxa oo kusii jeeday deeganka Galgala ee gobalka Bari ayaa waxaa la socday Taliyaha ciidanka daraawishta aaga Gal gala Col. Jaamac Siciid Warsame (afguduud).

Weli si dhaba looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa inkastoo ay jiraan warar sheegaya in khasaare uu jiro, waxaana wararku sheegayaan dadka waxyeeladu soo gaartay inuu ku jiro taliye Afguduud.

Wararka ayaa sheegaya inuu geeriyoday Taliye Afguduud, iyadoona maydkiisa lagaarsiiyay Cisbitalka Bosaso, inkastoo aan sidhaba loo ogayn.

Warar hoose oo aanu helayno ayaa sheegaya in kadib qaraxa rasaas lagu furay ciidanka.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinkaga so gudbin.

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: