Calendar

Dab qabsaday hantiyeed geystay oo maanta ka kacay Dakada Magaalada Boosaaso.

doonBartamaha(Boosaaso):-Dabka oo qasaara badan oo hantiyeed gestay ayaa maanta ka kacay Dakada Magaalada Boosaaso ka dib markii ay oloshay dooni shidaal iyo rashin waday oo dakada ku xernayd.

Dooni ganacsi ayaa la sheegay in m aanta ay ku gubatay gudaha Dakada Magaalada Boosaaso ka dib markii uu dab ka dhex kacay dakada gudaheeda halkaasi oo qasaara baahsan uu ka dhacay.

Doonida waxaa saarnaa Shidaal iyo raashin taasi oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed islamarkaana qeyb ka mid ah lagu dajin lahaa Dakada Boosaaso halka inta kale Muqdisho lo waday sida wararka ay sheegayaan.

Dadka Magaalada Boosaaso ayaa ku xoomay dakada Magaaladaasi si ay uga qeybqaataan badbaadinta hantida dabka uu qabsaday si qeyb looga badbaadiyo maadaama holac uu wada qabsaday.

Waa markii ugu horeysay uu dab nuucaasi ah uu qabsado doon ku xernayd dakada Magaalada Boosaaso iyadoo laga cabsi qabo in dakada ay saamayn danbe ku reebto doonta dabka uu qabsaday.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: