Calendar

Yaa Madaxweyne ah oo xarigga haya? (Sawir/VIDEO)

yaa madaxweyne ahSida maalmahaan oo dhan ay dadku isla dhex marayaan ayaa ah in Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif markuu la kulmayay Soomaalida qurbaha ayaa waxaa dhacaysay mar kasta  in suaalaha loo wado Madaxweynaha intooda badan uu qaadanayay oo ka jawaabayay Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan,  Iyadoo arrintan ay xoojinayso kulankii ardayda OSU iyo hooyooyin ay BBC-du waraysatay.

Waxaa ka maqalnay dad gaaraya ilaa iyo 7 qof oo la kulmay Madaxweynaha ay la yaabeen xadgudubka Shariif Xasan uu ku qaadanayo suaalaha loogu talo galay Madaxweynaha Soomaaliya.

Dadka badankiisa waxay aad uga niyad jabsanaayeen kulankii ay sida gaarka ah rabeen inay ula yeeshaan Madaxweynaha inuu markasta dhinac fadhiyay Shariif Xasan, dadka qaarkii isla goobtaas ayay Madaxweynaha ka dalbadeen waxa ninkani uu meesha u joogo maadaama ay isaga rabeen inay gaar u arkaan.

Haddaba waxaan rabnaa inaan idin weydiino Soomaaliyeey:

LABADA SHARIIF2

Shariif Xasan oo dhagaysanaya khudbada Shiikh Shariif

Halkan ka daawo sawir ka hadlaya xiriirka labada Shariif iyo fikradda dadka oo uu sameeyay macallin Amiin Caamir
shariif sakiin

Comments

comments

Category : Photos, The Story.
« »

Comment: