Calendar

Dagaal galabta ka dhacay afaafka hore Ee Guriga Ra’iisul Wasaaraha.

SOMALIADagaal qaraar oo muddo socday ayaa galabta ka dhacay albaabka guriga ra’iisul Wasaaraha xilli Wasiirada ay ka soo baxayeen kulankii ay galabta Muqdisho ku yeesheen.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamo Dowlada ka wada tirsan gaar ahaan Laba Wasiir oo kulanka ka qeybgalayay Ciidamada Ilaalada u ahaa kuwaasi oo muran soo kala dhexgalay uu dagaal dhaliyay.

Illaa 2-Askari ayaa ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay albaabka guriga ra’iisul Wasaaraha iyadoo Ciidamada Amisom ay qaboojiyeen dagaalka labada Ciidan u dhexeeyay  oo Muddo 15-Mirir ah socanayay.

Wasiirada kulanka ka soo baxay ayaa waxaa la sheegay in amnigooda uu qalqal galay markii rasaasta ay bilaabatay xilli Wasiirada qaar ay doonayeen in ay raacaan Gawaaridooda oo rasaasta la kulmay.

Talisyada Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay diideen in ay ka hadlaan dagaalka Ciidamada ku dhexmaray guriga ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya halkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray Ciidamada dagaalamay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: