Calendar

Maamulka Gobolka Mudug Puntland oo ku baaqay in dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay isaga baxaan Gobolkaasi.

magaalada galkacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Maamulka Gobolka Mudug Puntland ayaa ku dhawaaqay baaq kama danbays ah oo loo jeediyay dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col.Axmed Cali Salaad oo Maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Gaal-Kacyo ayaa waxa uu sheegay in ammaanka dartiis ay ku baaqayaan in dadka dulsaarka ku ah Magaalada ay isaga baxaan.

Gudoomiyaha oo caro laga dheehanayay hadaladiisa ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan Magaalada ay isaga baxaan dadka ka soo jeeda Deegaanada Koonfurta inta laga nabadeynayo Gobolka.

Masuulkan ayaa sheegay in ammaanka Gobolka ay ku dheelayaan Koox ka timid dhanka Koonfurta kuwaasi oo diin sheeganaya islamarkaana dadka ku dilaya masaajida hortooda iyo meel kasta.

Hadalka carada xanbaarsan ee ka soo baxay Maamulka Gobolka Mudug ayaa waxa uu imaanayaa xilli Gobolkaasi ay ku soo bateen Kooxo qaraxya geysanaya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: