Calendar

Dagaal Xalay ka dhacay Gudaha Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo .

magaalada galkacyoBartamaha(Gaal-kacyo):-Dagaal muddo kooban socday ayaa xalay ka dhacay Xaafad ku taala Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo ka dib markii howlgal ay sameeyeen Ciidamada Puntland.

Laba ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mida u yahay askari Ciidamada Booliiska ka mid ah halka 2-kale oo shacab ah uu dhaawac soo gaaray ka dib markii Ciidamada Booliiska iyo Maleeshiyo ay ku dagaalameen Magaalada.

Isku dhaca ayaa la sheegay in uu ka dhashay ka dib markii Ciidamada Booliiska ay isku dayeen in ay awood ku soo furtaan nin dhawaan lagu afduubtay guri xalay ay Ciidamada weerareen .

Ciidamada Booliiska ayaa isku dayay in ay awood ku soo furtaan ninka rayidka ah ee ka soo jeeda Gobolka Gal-gaduud dhawaana ay afduubteen rag hubaysan .

Odayaasha Woqooyiga Gal-Kacyo aya ku baxay dhacdada qasaaraha dhalisay iyagoo sheegay in ay isku howlayaan in si nabad ah lagu sii daayo ninka afduubka loo haysto.

Jawiga Magaalada gaar ahan Xaafadaha Woqooyiga Gal-Kacyo ayaa noqday mid cabsi ah iyadoo inta badan magaalada laga maqlay rasaas culus ka dibna xabado teel-teel ah ay ka dhacayeen Wadooyinka ay ciidamada dhawaanahan ammaankooda sugayeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: