Calendar

Dagaalo qaraar oo maalintii Saddexaad ka socanaya qeyba ka mida Degamada Yaaqshiid iyo Madaafiic ku hobanaysa qeyba ka mida Caasimada Muqdisho

mmuBartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka ayaa waxa uu galay maalintisii Saddexaad iyadoo la isku hayo gacan ku haynta saldhiga Yaaqshiid oo ay shalay dib ula wareegeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya.

Wararka aynu ka heleyno goobaha dagaalada ayaa sheegaya in saaka labada dhinac ay isku adeegsanayaan rasaas culus iyo madaafiic taasi oo waxyeelada ugu badan gaarsiisay shacabka dagan deegaanada dagaalada ay ka socdaan.

Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa la xaqiijiyay in ay weerar culus saaka ku soo qaadeen qeyba ka mida fariisinada ciidamada dowlada ee isgoyska fagax ee Muqdishi iyadoo dagaal culus ayaa haatan ka socda deegaanada u dhexeeya Fagax iyo Ramadaan.

Dagaalka saaka qarxay ayaa waxaa barbar socda madaafiic la isku dhaafsanayo goobaha dagaalka iyo meela aan ka dhereen kuwaasi oo inta badan madaafiicda ay yihiin kuwa ka soo dhacaya fariisinmada ciidamada Amisom iyio kuwa dowlada ay ku leeyihin meela ka baxsan aaga dagaalka uu ka socdo.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: