Danjire Cali Ameeriko oo booqanaya Maxaabiis ku xeran Mombaasa

Posted on Feb 7 2011 - 12:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

amerikoBartamaha (Mombasa):- Danjire Cali Ameeriko ayaa booqanaya Maxaabiis Burcad Badeednbimo ku Eedeysanb iyo qaar qaxooti ah oo u xerxeran Dowlada Kenya.

Safiirka Dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Kenya ayaa socdaal ku jooga magaalada Mombaasa halkaasi oo uu ku booqanayo Maxaabiista Soomaalida ee ku xerxeranb Xabsiyada Magaalada Xeebta dhacda ee Mombaasa.

Maxaabiista uu Safiirka Xabsiga ugu tagay ayaa waxaa ku jira qaar lagu Eedeeyay Burcad Badeednimop oo Maxkamad sugayaal ah iyo Maxaabiis kale oo u badan dhalinyaro qaxooti ah oo u sii tahriibaysay dalka South AFrika balse Mambaasa lagu xerxeray.

Dadaal xoog badan oo uu ku jiro Danjire Ameeriko ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Soomaalida reer Mombaasa waxaana socanaya dadaal xoogan oo uu wado safiirka si Xabsiga looga sii daayo dhalinyarada Maxaabiista ah ee dimbiyada kala duwan ku eedeysan.

Safiirka oo www.Bartamaha.Com kula hadlayay qadka Telfonka ayaa waxa uu balan qaaday in dhawaan Xabsiga laga soo saari doono dhammaan Maxaabiista ama Maxkamad cadaalad ah deg-deg loogu saarayo magaalada Mombaasa ee dalka Kenya.

Dadaalka Safiirka Soomaaliya ayaa ah mid weli socanaya waxaana xusid mudan in hore Maxaabiis badan uu uga saaray Xabsiyada dalka Kenya oo ay muddo ku xernaayeen dadkaasi Maxaabiista ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]