Calendar

Danjire Cali Ameeriko oo Maxaabiis ka daayay Mombasa (Daawo Sawirada)

amrika4Bartamaha (Nairobi):- Danjiraha Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay dalka Kenya Mudane Max’ed Cali Nuur (America) ayaa ku guuleystay maanta inuu xabsiyada ku yaalo Magaalo xeebeedka Mombasa uu ka soo saaro dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaas ku xirnaa in mudo ah.

Ali America ayaa sheegay inuu la kulmay taliyaha ciiddanka police-ka Kenya ee Magaalada Mombasa, kaasoo uu sheegay inuu kala hadlay sidii xabsiga banaanka looga soo saari lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirneyd xabsiyada magaaladaas ku yaalo.

Maalinimada bari ah ayuu sheegay Danjire Cali America in halkaas laga soo qaadi doono dhalinyaradii  la siidayay islama mar ahaantaana la geyn doono Xeerada Qaxootiga ee Dhadhab, waxuuna intaas ku daray Safiirku iney u diyaareeyeen Gawaaridii lagu soo daad gureyn lahaa.

Wararka ayaa waxey intaas ku darayaan in ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya ay u galbin doonaa dhaliyaradaas xabsiga laga soo dayay inta ay ka tagayaan Xeerooyinka Qaxootiga ee Dhadhab si anan mar kale gacanta ciidamada Kenya aynan u galin.

Daawo Sawirada Dhalinyarada la soo dayay, Danjire Cali America iyo Taliyaha Ciidanka Police-ka Mombasa.

Danjire Ameeriko iyo Taliyaha Ciidanka.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: