Calendar

Dawlada Soomaaliya oo taageertay kordhinta lagu samaynato ciidamada AMISOM

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay tirada Ciidamada AMISOM ee la kordhiyay, si ay u soo afjaraan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika uu ku dhawaaqay.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan aragtida mideysan ee Midowga Afrika ee ku saabsan in Al-Shabaab meel looga soo wada jeesto.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu shirka ka sheegay in muddo sanad ah ciidamada Soomaalida tababar la siinayay, isla markaana ay u baahan yihiin tasiilaad, isagoo dalbaday in ciidamo dheeraad ah la keeno si loo soo afjaro howl galka Shabaab.

Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa sheegay in ilaa 6,235 askari lagu kordhiyay howl galka, kuwaasoo laga qaarkood ka imaanaya dalalka Uganda iyo Brundi, halka kuwa kale laga codsaday dalalka Afrika.

Midowga Afrika ayaa jimcaha soo socda si rasmi ah arrintan go’aan uga soo saaray, iyadoo lagu wado in tirada Ciidamada AMISOM la gaarsiiyo ilaa 23,966 askari oo la filayo in ilaa 24-bilood ay ku soo dhameystirmaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in soo jeedintan uu meel mariyo fadhiyadiisa ugu soo horeeyay ee uu ku yeelanayo magaalada New York.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: