Calendar

Diyaarad QM leedahay oo mar Labaad lagu weeraray Somalia

download (2)BARTAMAHA – Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Diyaarad Sahay u siday Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Ceelbuur ku sugan.

Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Ceelbuur Max’ed Kaariye Dhagadheere ayaa Xaqiijiyey Weerarka Diyaarada waxaana uu sheegay in Al-shabaab ay Diyaarada weerar ku soo qaadeen islamarkaana aysan jirin wax qasaaro ah.

Todobaadkaan Gudihiisa ayaa Al-shabaab waxaa ay Weerareen Diyaarada ay leedahay Dowladda Ruushka,hase ahaatee u Kireeysneeyd QM.

Afhayeenka Dhanka Ciidamada Kooxda Al Shabaab Cabdi Casiis abuu Muscab oo Warbaahinta Maalin ka hor la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Hada ka dib ay Bar tilmaameedsan doonaa Diyaaradaha u kala Goosha Xarumaha Ciidamada AMISOM ee Gobolada Dalka si ay u Go.doomiyaan .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: