Calendar

Doolarka Madowga ah oo maanta Garoowe lagu gubay.

doolarBartamaha(Garowe):-Fagaara ku yaala Magaalada Garoowe ayaa maanta lagu gubay Doolarka Madowga ah oo ay wateen Kooxo gacanta u galay Booliiska Puntland.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa maanta meel fagaara ah dab ku qabadsiiyay Doolarka Nuuca Madowga ah oo lagu qabtay Kooxo doonayay in ay ku cadeeyaan gudaha Magaaladaasi Garoowe Ee Gobolka Nugaal.

Maxkamada Darajada 1-aad Ee Puntland ee Gobolka Nugaal ayaa xukunka ku riday Doolarka Madowga ah iyo raggii watay oo ay ku xukuntay in dab la qabadsiiyo meel fagaara ah oo dadka ay daawanayaan sida maanta ka dhacday fagaara ku yaala Garoowe.

Lacagta ayaa qiima ahaan gaaraysay in ka badan $1,820,000-Oo doolar taasi oo saamayn badan ku yeelan lahayd haddii ay dhaqaan Kooxaha haatan lagu qabtay lacagtaasi xilli ay ku wateen gudaha Magaalada Garoowe Ee Gobolka Mudug.

Sheekh C/Nuur oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad Ee Magaalada Garoowe ayaa saxaafada u sheegay in ay shacabka badbaadiyeen si aan dhibaata loogu gaysan qiimaha kala duwan ee badeecada taala deegaanada Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobo-Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: