read more »">
Calendar

Gobolka Minnesota oo laga xusay 26-ka Juun (VIDEO)

xafladdii mnpls

Minneapolis-Bartamaha: Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa shalay oo bisha Juun ahayd 26 waxaa lagu qabtay munasabad si heer sare ah lo soo agasimay oo lagu xasuusanayo sanadguradii 50 ee kaso wareegatay xiligii ay Gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya ay xornimada qateen.

Munaasabadan ayaa ahayd mid xarago, xushmad iyo xiiso badani ay ka muuqatay. Xafladan lagu xusayay maalinta 26-ka Juun ayaa waxaa lagu qabtay jidka aadka u weyn ee loo yaqaano Lake Street, jidkaasi oo gabi ahaanba loo xiray munaasabada. Goobta ay munaasabadani ka dhacday ayaa kamid ah xaafadaha ay Soomaalidu aadka u degaan, ganacsigana ku leeyihiin.

Munaasabadan ayaa waxaa soo diyaariyay Ururka ugu da’da weyn ee u adeega bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota (Confederation of Somali Community in Minnesota). Xafladu waxay ka koobnayd duco, guubaabin, wacyi galin, gabayo, abaalmarin, is xusuusin tariikhda iyo muhiimada ay leedahay 26-ka Juun iyo heeso wadani ah.

Goobta munaasabado ka dhacday ayaa waxaa iskugu yimid dadweyne aad u tiro badan oo iskugu jira waayeel, caruur, culumo, ciyaartoy, dhalinyaro, aqoon yahaniin, arday, ganacsato iyo madax matalaysa gobolka Minnesota iyo bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba dhamaan marti sharaftii, madaxdii, dhalinyaradii, fanaaniintii, odayaashi iyo aqoonyanadii halkaasi ka hadlay waxay si aad ah u xuseen qiimaha ay leedahay malintaan oo ah malin weyn. Gudigii soo qaban qaabiyay munaasabadan ayaa waxay balan qaadeen in ay xaflad tan ka weyn ay qaban doonaan sanadka soo socda, waa haddii Eebe nagu simo.

Si kastaba ha ahaate munasabada 26-Juun loo qabtay ee ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa ahayd mid dhamaan dadweynihii halkaasi xaadirka ku ahaa ay aad ugu riyaaqeen, farxad iyo firfircooni isku dheeli tirana ay qayb weyn uga qaateen xafladaasi. Xafladan oo amaankeeda si xoogan loo sugay ayaa waxay ku dhamaatay dhoola cadayn iyo dhiiri galin laga wada sinaa.

Haddaba waxaan leeyahay dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ciyaal iyo cirooleba meelkasta oo ay joogaan, SOOMAALIYA HA NOOLAATO, SOOMAALI HA IS RAACDO. Waxaan kale oo aan Ilahay ka baryayaa in Sanad guuradaan teeda kale aan ku gaarno, Nabad iyo Caano. Waxaana hambalyo mudan dhamaan dadkii ka qayb qaatay abaabulka iyo qaban qaabadii munaasabadan mar la aragta ah.

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar.

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Minnesota, Wararka Maanta, Xafladaha - EVENTS.
« »

Comment: