Calendar

Dowlad Islaami ah oo looga dhawaaqay Bariga Dhexe

BARTAMAHA – Dagaal yahanada sunniga ah ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya lana yiraahdo ISIL ayaa bedelay magacii iyagoo ku dhawaaqay maamul cusub oo Islaami ah oo ka hanaqaadaya barriga dhexe.

Kooxdan ISIR ayaa u bedelay magaca khilaafada Islaamka waxaana hogaamin doona Abubakar Al-baqdaadi hugaamiyaha ISIL oo haatan kadib loogu yeeri doono khaliif Ibraahim, sida uu sheegay Afhayeenka ISIL.

Abu Mohamud Cadnaani afhayeenka ISIL ayaa wuxuu sheegay in dunida muslimka looga baahan yahay in ay taageeraadan khilaafada islaamiga ah ee ka hir-gashay dunida, wuxuu sheegay in kooxdu ay leedahay hadaf cad.

Sidoo kale kooxdan ayaa guulo waa wayn ka gaartay dagaalada ka socda Siiriya iyo Ciraaq, taas oo ku dhiiri-gelisay go’aanka cusub ee ay qaateen. Waxaanse la aqoon sida ay qorshahan u soo dhowayn doonaan ururrada kale ee dunida ka dagaalama sida Al-Qaacida oo ay horay u kala bexeen.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta and tagged , , .
« »

Comment: