Dowlada Hoose Ee Magaalada Mandheera oo shaacisay Miisaaniyad Sanadeedka 2009-2010-ka.

Posted on Jun 26 2009 - 11:49am by News Desk
Tweet
Pin It

mandheera1Bartamaha (Muqdisho):- Maanta oo kale sanadkasta waxa ay dowlada hoose ee magaladatan Mandera ay soo bandhigtaa miisaaniyad sanadeedka sanada cusub iyo xisaab xirka misaaniyadii sanadii tagtay taasoo ka bilaabato bisha July kuna dhamaato bisha June ee sanada xigta.

Xaflad gaar ah oo maanta lagu qabtay suuqa Bus Park ee magaalada Mandera ayaa waxaa kasoo qeybgalay tiro dadweyne ah, mas’uuliyiinta iyo howl wadeenada dowlada hoose oo xafladaasi soo qabanqaabiyeen si ay dadka hortooda ugu soo bandhigaan miisaaniyada sanada cusub iyo waxa loo isticmaalay miisaaniyadii sanadii tagtay.

Duqa magaalada Mandera Mudane Maxamed Aadan Khaliif oo xafladaasi furay ayaa waxa uu amaan u jeediyay ganacsatada magaalada maadaama ay gacan ku siiyeen bilic usoo celinta magaalada wuxuuna ka codsaday ciddii dood qabta inay timaado xafiisyada dowlada hoose si loo xaliyo arrintooda, sidoo kale waxa uu sheegay inay caawin doonaan dadkii laga burburiyay goobihii ay ku ganacsan jireen gacana ay u fidin doonaan.

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee dowlada hoose ee magaalada Mandera Diyaad Cabdi Maadeey (Caraay) ayaa ku hor akhriyay xafladaasi sida ay ku baxday iyo qaabkii loo isticmaalay miisaaniyadii sanadii tagtay, wuxuuna soo bandhigay qoraal dheer oo ay ku astaysan tahay shaxdii waxqabad ee sanadaasi.

Mudane Caraay ayaa sheegay in sanadii tagtay ay la kulmeen waxoogaa caqabado ah taasoo uu ku sheegay dhowr waxyaalood.

 “Abaaro daba dheeraaday, Colaado soo kala dhexgalay dadka deegaanka, xuduuda aanu la wadaagno soomaaliya oo la xiray halkaas oo aan ka heli jirnay ganacsi iyo musiibooyin kale oo ay ka mid yihiin daadad iyo daacuun. Ayuu yiri Mr. Caraay.

Mudane Caraay ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inkastoo ay dhibaatooyinkaas uu soo sheegay ay la kulmeen ay haddana si wanaagsan u guteen howshooda, wuxuuna intaa ka dib u gudbay miisaaniyad sanadeedka 2009/2010, wuxuuna kusoo koobaya qarashaadka ay filayaan inay soo gaaraan lacag dhan 54,051,537.00 Kenya Shillings.

Haddii ay tahay intaasi wadarta dhaqaale sanadeedka ay filayaan maxay u qorsheeyeen lacagtaas inay ku baxdo ayuu ku sharaxay dhismooyinka wadooyinka, biyo galin iyo dhismayaal iskuulada qaar lagu dari doono, wadarta guud ee qarashaadka la isticmaali doonana waxa uu ku sheegay 54,048,831.00 Kenya Shillings.

Guud ahaan miisaaniyadii maanta ay soo bandhigeen dowlada hoose ee magaalada Mandera ayaa waxa ka mid ahaa dhismaha fasalo cusub oo lagu kordhiyo iskuulada qaar, dib u hagaajinta iyo furida wadooyinka dhex mara magaalada, iyo biyo galin loo sameeyo xaafadaha qaar waloow aanay miisaaniyada ku cadeyn qarashka ay dowlada hoose ugu talagashay caafimaadka.

Xafiiska wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â