Xulka koonfur afrika oo laga reebay koobka Confederation

Posted on Jun 26 2009 - 4:20pm by News Desk
Tweet
Pin It

_1931365_zumaBartamaha– Xulka kubada cagta ee Koonfur afrika ayaa saacado kahor waxaa koobka confederation ka reebay xulka brazil. Koonfur afrika oo ciyaar aad loola dhacay soo bandhigtay ayaan hadana nasiibku saacidin waxaana hal iyo waxba ooga raayay brazil. in kastoo ciyaartu u muuqatay mid isku dheelitiran hadana koonfur afrika ayaa weerar laba afla’ah ku haysay difaaca brazil waxayna haafkii hore inbadan sigatay in ay shabaqa brazil ruxdo waxayse taas diiday gool hayaha brazil Julio sceazar oo u dheela kooxda talyaaniga ee inter malin. laacibiintii tirada badnaa ee brazil sida Kaka, Robinho iyo fabiono ayaa waxay waayeen hal duleel oo ay banooniga mariyaan. waxay ciyaartu socotaba waxaa daqiiqdii 87 khalad uu galay masilal oo ah difaaca koonfur africa waxaana loodhigay masaafo u jirta 21 mitir goolka. waxaana ku farayaraystay oo shabaqa dhexdhigay Daniel Alves oo daqiiqado kahor ciyaarta soogalay. goolkaas ayaana fursad u siiyay brazil in ay fiinallka u soo baxdo. sidaas ayayna koonfur afrika loogu khaarijiyay hal iyo waxba waxaan garoonka ka qulqulay iyagoo qaarkood ilmaynayo taageerayaasha koonfur afrika.

sidaas ayaana brazil iyo maraykanka ay fiinaalka isugu hardindoona maalinta axad ee june 28.
WQ.  Barqadle