Dowlada Soomaaliya oo dhaliil u jeedisay Xiriirka Kubada Cagta Caalamka Ee FIFA.

Posted on Nov 22 2009 - 9:39am by News Desk
Tweet
Pin It

 

wasirkaBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la soo marsiinin Koobka Kubada Caalamka Ee Ciyaaraha aduunka taasi oo xadgudub laga galay Soomaaliya ah.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportska Dowlada Soomaaliya Saleemaan Colad Rooble ayaa sheegay in uu ka xunyahay in aan la aqoonsanayn jiritaanka Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay filayeen in la soo gaarsiiyo Koobka Aduunka 2010 kaasi oo la marsiinayay Wadamada Afrika guud ahaan maadaama sharciga Fifa u yaala uu yahay in la geeyo Koobka dhammaan wadamada qaarada lagu qabanayo Ciyaaraha.

Saleemaan Colaad Rooble ayaa sheegay in la balan qaaday in dalka Soomaaliya la geeyo Kobkaasi Aduunka balse FIFA ay balantaasi ka baxday cabsi ay galiyeen Koox jiritaanka Soomaliya cadow ku ah.

Wasiirka ayaa ugu danbayntii dhaleeceen dusha kaga tuuray FIFA oo uu sheegay in ay xaqiraad muuqata u geysatay jiritaanka qaranimada Dalka Soomaaliya.

Taliska Booliiska Gaal-Kacyo oo ka hadlay Xaalada ammaanka Magaaladaasi.