read more »">
Calendar

Farmaajo oo dalka ku soo laabtay iyo faahfaahinta safarkiisa

farmaajo maantaBartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo muddo dalka ka maqanaa ayaa ku laabtay Magaalada Muqdisho iyada oo ku simihiisii uu dalka shalay ka dhoofay.

Ra’iisul Wasaare Farmaajo ayaa waxa uu socdaal ku soo kala bixiyay dalalka Maraykanka,Talyaaniga iyo dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu maanta ku soo laabtay magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho oo uu muddo ka maqnaa masuulkaasi.

Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Muqdisho ka soo dagay duhurnimadii maanta waxaana xiliga uu caasimada soo gaaray uu warfidiyeenada dowlada kula hadlay Villa Somalia isaga oo sheegay in guula badan uu ka soo gaaray kulamdii uu u tagay wadamo kala duwan.

Farmaajo waxa uu cadeeyay in uu New York uu kula soo kulmay madax Caalami ah oo daneynayay arimaha ammaanka dalka soomaaliya islamarkaana ay u balan qadaeen in ay taageera muuqata la garab istaagayaan dowlada si dalka looga saaro kooxaha Al-qaacida ee amniga halista ku ah.

Masuulkan waxa uu sidoo kale sheegay in uu madaxda Talyaaniga ka soo helay balan qaad dhaqaale ka maqnaa dowlada oo Midowga Yurub ay xilli hore balan qadaeen kaasi oo muddo la la’aa islamarkaana laga sugayay beesha Caalamka oo balan qaadka lahayd.

Dhanka kale waxa uu soo koobay safarkiisii Imaaraadka oo uu sheegay in uu la soo kulmay rag madax ah oo aanu carabaabin isaga oo cadeeyay in ay balan qaaday Dowlada Imaaraadka gacan ka siinta dhanka hormarinta Bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu dalka inta uu ka maqnaa jagadiisa kusime ahaan u ahaa ku xigeenkiisa ahna Wasiirka Gaashaandhiga oo hada dalka ka dhoofay islamarkaan socdaal ku aaday dalka Talyaaniga oo uu soo maray masuulkan haaya xilka Ra’iisul Wasaaraha .

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: