Calendar

Go’aamo waawayn oo kasoo baxay shirka golaha wasiiradda

Khamiis, September 13, 2012—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii joogtada ahaa isugu yimid iyagoo uga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Qaabka helista Dal ku-galka (Visa), sidoo kale shaqo helista iyo qorista shaqaalaha hay’addaha, Dabagalka lacagihii dowladdii hore u yaalay Bankiyada Caalamka, iyo soo uruurinta Gaadiidka Dowladda.

Gabogabadii kulanka Golaha Wasiirada, ayaa waxaa saxaafadda u faah faahiyay qodobadii ka soo baxay shirka Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirku waxa uu xusay in Goluhu ay ka doodeen dadka ajaanibta ah ee shaqada u soo raadsada dalka. Waxaa la go’aamiyay in qof kasta oo shaqo doon ah uu dalbado ruqsad dal-ku-gal shaqo. Qofkaan haysan ruqsadaa waxay Goluhu go’aan ku gaareen in la xisaabtami doono.

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in Goluhu ay isla garteen in dhamaamba hay’addaha ka howlgala dalka loo baahan yahay inay iska soo diiwaangeliyaan xafiisyada dowladda iyagoo sidoo kalena isku raacay in hay’adduhu ay muhiimada koowaad siiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha ay helayaan aqoonyahanada Soomaaliyeed.

“Waxaa hay’addaha la farayaa in aysan dalka Dibaddiisa u raadin dad kale iyadoo ay dalka joogaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo aqoon u leh shaqadaasi” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo dhanka kale xusay in hay’addaha laga doonayo in ay sameeyaan shaqo baafin marka ay doonayaan inay dad shaqaalaysiiyaan.”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in Goluhu ka doodeen sidii dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda Gaadiid ay weli heystaan dad mas’uuliyiin soo ahaa oo xilalkii ka degay welina ay ku sii harsan tahay gacantooda Gaadiidkii Dowladda.

“Cid walba oo heysata si sharci daro ah gaadiidka dowladda waxaa la farayaa inay dib ugu soo celiyaan gacanta dowladda, sababtoo ah gaadiidka qaranka ayaa iska leh ee shaqsi ma lahan” ayuu ku celiyay Wasiirko oo xusay in dhamaan dadkaasi la hayo magacyadooda iyo taargada gaadiidka ay wataan.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka dooday Heshiis uu dhowaan Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Faqi uu la soo saxiixay dhiggiisa dalka Turkiga kaasoo dhigaya in Dowladda Turkigu ay ka caawiso Dowladda Soomaaliyeed tababarka iyo tayeynta ciidamada Qalabka Sida. Heshiiskani wuxuu  sidoo kale dhigayaa in lacag dhan 2 Million Dollar ay ugu deeqdo Dowladda Turkigu Dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida “Heshiiskan Golaha Wasiiradu waa ansixiyeen heshiiskan, waxayna u gudbineynaa Golaha Baarlamaanka si ay u sharciyeeyaan heshiiskaas.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday sidii Dowladda Soomaaliyeed ay u heli laheyd hantidii ay dowladii Millateriga ay dhigtay bangiyada caalamka, taasoo ugu dambeyntiina loo saaray guddi ka kooban 3 xubnood oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta.

-Dhamaad-

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: