Calendar

Gudiga qaramada midoobay oo sheegay in burcad badeedu ay lacago ka qaataan maraakiib kalluumaysi

p14_17515325Warbixintii dhawaan ay qaramada midoobay u gudbiyeen gudiga u xilsaaran ilaalinta cunaqabataynta saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo bandhigay in Burcad badeeda Soomaalidu ay ilaalshaan maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysta badaha Soomaaliya si ay uga kabto hoos u dhicii ku yimid dakhligooda kadib markii ay yaraadeen maraakiibtii ay afduubka ku qabsanayaan.  Maraakiibtan ayaa lacag ku siiya burcad badeeda inay ilaaliyaan ammaankooda sida lagu sheegay warbixinta gudiga qaramada midoobay.

Waxaa kale oo warbixintu ay sheegtay in Burcad badeedu ay sidoo kale ku lug-leeyihiin hawlo kale oo sharci darro ah sida kala iibsiga hubka, tahriibta iyo ka ganacsiga daroogada.  Warbixinta ayaa sheegaysa in dawlad goboleedka Puntland ay inta badan doomaha sharci darrada ah ka kalluumaystaan aagooda iyagoo ugu yaraan 180 markab oo laga leeyahay waddanka Iran iyo 300 oo markab oo laga leeyahay dalka Yemen ay halkaas ka wadaan hawlo kalluumaysi oo sharci darro ah.

Waxaa kale oo xeebaha jooga maraakiib kalluumaysi oo laga leeyahay wadamada  China, Taiwan, Korea iyo sidoo kale maraakiib ay leeyihiin qaar kamid ah wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub, kuwaasoo dhammaantood aan wax shati ah ka haysan dawlada Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: