Calendar

Madaxweynihii la afgambiyay ee dalka Masar oo xabsiga loo taxaabay

553Maxamed Mursi ayaa garsoorka dalkaasi uu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo muddo 15 maalmood ah oo lagu samaynayo baaritaano.

Waxaana loo haystaa Mursi inuu u jaajuusay Urur Xamaas ee reer Falastiin ka hor intaanu madaxweynaha dalka Masar noqon.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay in 2011-kii uu xabsiga ka fakaday markii uu socday kacdoonkii looga soo horjeeday madaxweynihii la riday ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka difaada dalkaasi Masar oo fuliyay cinqilaabkii lagu afgambiyay Mursi uu ku baaqay in dadweynaha Masar ay sameeyaan dibad baxyo ay ku taageerayaan Militariga sidii ay uga hortagi lahaayeen argagixisada, taasoo in badad oo dadka reer Masar ay u fasirteen inuu ula jeedo Ikhwaan Musliinka oo ah taageerayaasha madaxweyne Mursi.

Maraykanka iyo wadamo kale ayaa ka digay xaalada waddanka Masar xilli laga baqayo dagaal sokeeye.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: