Human Rights Watch oo ku baaqday in la baaro xad-gudubyada Ciidamada AMISOM ay Soomaliya ka geysanayaan.

Posted on Jun 27 2009 - 8:20am by News Desk
Tweet
Pin It

human-rights-watchBartamaha(Muqdisho):- Hay’adda u dooda Xaquuqda Aadanaha Ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in baaritaano lagu sameeyo xad-gudubyada ay Ciidamada Amisom Soomaaliya ka geystan taasi oo ka danbeysay ka dib eedeymo Ciidamadaasi lo jeediyay.

Human Rights Watch oo warbixin ka soo saartay Dagaalada xiligan ka socda Dalka Soomaaliya iyo qaraxyada loo geysto Ciidamada Amisom ayaa sheegtay In Amisom lagu eedeeyay dhibaatooyin ay shacabka soomaaliyeed u geystan .

Hay’adaasi u ololeysa xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in bishii Febaraayo oo kaliya ay Ciidamada Amisom Muqdisho ku dileen ilaa 13-ruux oo rayid ah kuwaasi oo ka agdhawaa goob askartaasi lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho taasi oo ay Hay’adu sheegtay in loo baahanyahay in la baaro sababta ka danbaysa xasuuqaasi.

Xafiiska Human Rights ee Africa ayaa baaq u diray ururka Midowga Afrika si wax loga qabto cabashada Bulshada Soomaaliyeed ka imaanaysa ee ku wajahan xasuuqa iyo dilalka bareerka ah oo askarta Ciidamada Amisom Muqdisho ka geysanayaan.

Hadalkan baaqa kaliya ah ee ka soo baxay Hay’adda xuquuqda Aadanaha Ee Human Rights ayaa imaanaya xilli inta badan Ciidamada Amisom ay toogasho ku dilaan dadka rayidka ah ee ka soo agdhawaada goobaha ay joogaan iyo kuwa ka aan ka fogayn meelaha qaraxyada lagula beegsado.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.