Jihaadka Suuqa Madow ah

Posted on Aug 4 2009 - 3:40pm by News Desk
Tweet
Pin It

XISBUL ISLAMWaxa dadka xaq doonkaa lagu gartaa markii la hor dhigo qodob gar ah dib ayey u joogsadaan wayna gar qaataan. Dadka ahlul baadilkaana waa is maqiiqaan oo isla waynankoodaa denbi ku xanbaara (Haddii  la yiraahdo alle ka cabso, islaweyni buu danbiga ugu sii bareera) Albaqara 206.  Xadiithka rasuulkana csw wuxuu yiri : (haddii uu muran ama dood galo waa xadgudbaa) oo  calaamadaha munaafiqa waxaa ka mid ah, markuu murmo inuu faajirnimo sameeyo.

Reer Ciraaq ayaa iyagoo diley wiilkii nabigu s.c.w awowga u ahaa oo Xuseen Ibnu Cali waxey Ibnu Cabbaas waydiiyeen hadii qofka xaajigaa kaneeco dilo wax dhiig ah maku waajibey? Ibnu Cabbaas weedhiisi caanka noqotey ee aheyd: Reer Ciraaqow yaab baad leedihiin, dhiigii Xuseena ma daadineysaan, dhiig kaneecana ma weydiineysaan ayuu ku jawaabey.

Waxaa taas la mid ah oo maanta dalkeeni iyo meelo kale oo badan oo Neyjeeriya ka mid tahay ka jira kama duwana xaaladaas oo kale. Bal u fiirso culimadii dalka Soomaaliya diinta ka aqrin jirtey oo fatwada loo wacan jirey ma maqasheen wax warkooda haya?

Weliba waxaa xusid mudan dhallinyaradaan baxsadkaa waxey u nisbo sheegtaan tayaarka salafiga ah oo ka mid ah tayaaraatka fikriga diinigaa ee dalka Soomaaliya ka jira oo kala ah:

1. Tayaarka suufiga ama dariiqooyinka

2. Tayaarka ikhwaaniga

3. Tayaarka salafigaa

Shacabka Soomaaliyeed oo muslimkaa wuxuu ama si toos ah ama si dadban u hoos tagaa mid ka mid ah tayaaraatkaas sadexdaa mid ka mid ah.

Tayaarka salafigaa oo dhallinyaradaan baxsadkaa u nisbo sheegtaan maahan tayaar iyagu hadda ay sameeyeen ee waa tayaar leh rukumo oo dalka hore uga jirey. Culumo waaweyn oo cilmi badan ayuuna leeyahay.

Hadaba aqristoow si aad u fahmato dhallinyardaani baxsadka ah meesha ay wax u wadaan, aan isla eegno haddii jihaadka ay sheeganayaan ay la ogyihiin culimada salafiyadu iyo haddey tahay arrin suuq madow ay kala dhuunteen.

Anigu mawqif ahaan tayaaraatkaas diinigaa iyo bulshada kale ee wax garadka ahba waxaan qabaa  iney dalka ahlul xalli wal caqdi ka wada yihiin oo arrimaha masiiriga ah ama aayo ka talinta ah  ay dhex yaallaan ayaan aaminsanahey. Qolo gaar isku xejin karta oo kuwa kale faquuqi kartaana ma jirto.

Maantase dhallinyaradaan salafiyada u nisbo sheegata waxaan kula xujeytameynaa mandiqooda oo manhajka salafiga ah oo ay u nisbo sheegtaan, oo  iney xataa ka baxsadeen tayaarkaa salafiga ah ayaan halkaan kusoo gudbinayaa. Iyo sida diinta ay doonayaan iney ummadda dhan uga qafaashaan oo ay ugu tasarrufaan sidey doonayaan.

Suufiyadu culimadooda iyo maraajicdoodey leeyihiin. Ikhwaankuna maraajicdooda goonidaa ayey leeyihiin. Salafiyaduna sidoo kale maraajicdoodey leeyihiin. Dhammaantoodna waa dad wada muslimiin ah, soomaali ah oo ay waajib ku tahay iney qiraan in iyaga dhexdooda iyo shacabka kaleba uu u dhaxeeyo dalka Soomaaliya iyo maslaxadiisuba. Masaa?ilka fikrigaa ama fiqhigaa ee ay isku khilaafsan yihiina waxba kama khuseeyaan dalka masiirkiisa ama aayahiisa. Iyagoo intaasoo dhan isku khilaafsan ayaa hadana dalku ka dhaxeeyaa, qolo gaar dalka isku xejin kartana ma jirto.

Salafiyada oo culimadoodi la yasey oo iyagiina meesha laga saarey.

Masaa?iilkii  Culimada Salafiyada loo wacan jirey iyo kuwa maanta lagala dhuumanayo kuwee khatarsan caqlibaa ilaahey ku siiyey?e. Maanta waxaa culimadii salafiyada lagala dhuuntey oo la yiri waxba kama gashaan arrin ku saabsan ( al dimaa,u wal furuuj) dhiig iyo farji la xalaaleeyo. Ka warrama dawladda ku meel gaarkaa dadka ku jira oo kumanaanka ah iyo dadka taageersan oo laga yaabo iney malaayiin gaaraan, wiilka dhallin yaradaa ee ku xukminaya ridada? xukunkaasi ma yar yahay oo mas?alo-gaab maka bixi karaa?

Markii riddo lagu xukmiyey in dhiigooda iyo maalkooda la banneystaa ma yar tahey oo culimada waa looga maarmaa?

Haweenkeey qabeen in la iska wato oo la xalaaleysto ka warrama waxaa ka fatwoonaya wiil shaley mooryaan ahaa oo sida loo booreysto aan aqoone.

Gabdhahey weliga u ahaayeen iyadoon lagala tashan ayaa leyska mehersanayaa.

Ka warrama dadka aysan arrintaasi wax cabsi ah ku heyn oo isla quman oo dadka kale tuhmaya oo iyaga laga baxsan la? yahay tuhunkooda iyo af xumadooda.

Sh. Cumar Faaruuq mar uu wareysi bixinayey wuxuu yiri: Soomaalidu waa dad yar oo is wada yaqaanee waa kuwee culimada magaca leh oo waxaan Soomaaliya ka socda jihaadka ku sheegey oo ogolaatey?

Culimadii masaajida Muqdisho, Baydhabo, Boorame, Hargeysa, Burco iyo Boosaaso iyo B/Weyne iyo Kismaayo cilmiga ka aqrin jirtey iyo kuwii wadama Soomaalidu ku badan tahay joogey waa la yaqaane yaa dhallin yaradaan baxsadkaa ku taageersan “jihaadkooda”?

Wax ka taageersan markey waayeen waxey sameysteen ru?uusan juhaalan, madax jaahiliin ah oo manhajkooda baxsadkaa u fatwooda.

Sh. Cumar Faaruuq iyo Sh. C/Nuur markii taleefoon loo dirayo xataa magacooda waxaa la raacin jirey abuunaa iyo waalidunaa? Maantana majaahiil ama ku aan la garanayan oo iney joogaan ama maqan yihiin aan la aqoon ayey ka dhigeen ragaan jihaadka jeebkoodaa ku wata!

Sh. Shariif shaley iyo maanta cajalad la yiraahdo oo isku keen keen ah ayaa laga diyaariyee maad mid kale kasoo diyaarisaan raggii Sh. C/nuur iyo Sh. Cumar faaruuq ku maxaafsan jirey oo waalidunaa oran jirey, maantana liiska ka tirey?

Caytanku hanoo danbeeyee maxaa al dimaa?u wal furuuj  (dhiig iyo farji) iyo arimaha masiirigaa ee dalkana ciyaalka yar yar siiyey iney go?aan ka gaaraan, culimadii waaweynaana siiyey in xayd iyo nifaas laga wareysto? Shareeca aan u halgamayaa iyo culimada sharcigaan meesha ka saarayaa waa sheeko cusub oo iyaduna fiiro u baahan.

Yaa marjic u ah diinta oo loola laabtaa oo ulul amri ah markii la is qabto?

Waa ayo dadka imaam Ibnul qayim uu ku tilmaamey( almuwaqicuun can rabil caalamiin) kuwa magaca ilaahey wax ku saxiixa?

Waayo warathatul anbiyaaga xadiithku sheegay?

Waatee diinta culimada lagala dhuuntey?

Waa kee jihaadka aysan ahlul xali wal caqdiga culimadu ugu horreyso aysan shuqul ku laheyn?

Dood wanaagsan iyo kala gar qaadasho ayaa loo baahan yahay, haddii kale markii dhiig badan xaaraan lagu daadiyo ayaa kuwa toobad keena iyo kuwa la iska qabto ama duurka u baxasada arrinu ku dhammaan doontaa.

____________________________________________________________
Warsame Gaabane. [email protected].