read more »">
Calendar

Kenya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Soomaaliya [SAWIRO + MUUQAAL]

Kulan ay wada yeesheen madaxweynaha cusub ee Kenya iyo ra’isal wasaaraha Itoobiya ayay ku balan qaadeen iney caaawin doonaan dowladda cusub sidii ay u hana qaadi lahayeen.

Isagoo kahadlayay kulan uu layeeshey Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayuu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in dagaalka ka jira Soomaaliya uu ku yeelatey saameyn wadamada dariska la ah.

“IGAD ahaan, waxa aan diiradda saari doonana sidi aan dadaal uga geysan laheen xasilooni nabdoon, dib u dhis iyo hormar ka hana qaada Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa isna kulanka ka sheegay in labada dal ay xoojin doonaan iskaashiga ka dhexeeya, si wayna ay iskaga kaashan doonaan la jaan qaadka arimaha Soomaaliya.

Labada dal, Kenya iyo Itoobiya waxa ka jooga SOomaaliya ciidamo kuwaas oo la dagaalay maleeshiyadda Al Shabaab, isla markaane iminka dhul badan gacanta ku haya.

Itoobiya ayaa sheegtey iney doonayso iney iskaga baxdo Soomaaliya iyadoona ka dalbatey midowga Afrika oo in meelaha ay joogto ay si deg deg ah ay kala wareegto.

DAAWO MUUQAALKA


DAAWO SAWIRADDA

Comments

comments

Category : Featured, Photos, VIDEOS.
« »

Comment: