Calendar

Kenya oo xabsi ku xukuntay burcad-badeed Soomaali ah

Maxkamad ku taala magaalo xeebeedka dalka Kenya ee Mombasa ayaa ku xukuntay sagaal burcad badeed Soomaliya min shan sano oo xabsi ah, kadib markii la sheegay inay afduubeen markad laga leeyahay dalka Germany, isagoo marayay gacanka cadan bishii March 2009.

Sagaalkaasi ruux ee lagu xukumaday dalka Kenya ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana lagu maxkamadeeyay dalkaasi Kenya.

Kooxaha ayaa la sheegay inay ku weerareen markabka hub kala duwan, sida gantaalo, qoriga Ak-47, bistoolo iyo qoryo kale.

Sagaalka burcad badeeda Soomaalida ayaa waxay ku jireen xabsi ku yaala dalkaasi Kenya intii ay socotay maxkamadeyntooda, waxaana la sheegay in dhamaan eedeymaya loo jeediyay ay beeniyeen.

Bishii lasoo dhaafay sagaal burcad badeed Soomaali ayaa xukuno kale duwan waxaa ku riday maxkamado kala duwan, waxaana lagu eedeeyay inay weerareen maraakiib mareysay gacanka cadan sanadki 2010.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, KENYA, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: