Calendar

Kooxda Ahlu-Sunnah oo Dikri ku Camirtay Duleedka Deegaanka Wabxo halkaasi oo ay dhawaan kala wareegeen Kooxda Alshabaab.

 

 

ahlu-sunnahaBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada kooxda Ahlu –Sunah Wal-Jamaaca ayaa wada diyaargarow la xirira sidii ay dagaal ugu qaadi lahaayeen Ciidamada Kooxda Alshabaab kuwaasi oo fariisin ku leh duleedka Degaanka Wabxo Ee Gobolkaasi Gal-Gaduud Halkaasi oo ay dhawaan isku farasaareen labada kooxood.

 

Maleeshiyaadkan oo ka amarqaata kooxda la magacbaxday Ahlu-Sunnah ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa dagaal aan kala go’lahay uu kala dhexeeya Kooxda Alshabaab kuwaasi oo inta badan la wareegay gobolada K/Soomaaliya.

 

Kooxdan ayaa waxa ay ka dhasheen ka dib weeraro isdaba jog ah oo ay caada ka yeesheen Ciidamada Alshabaab in ay ku qaadaan Qabuuraha ay qadariyaan kooxdaasi Suufiyaqda ah eek u magacaaban Ahlu-Sunnah.

 

Dagaalada ayaa badankood waxa ay ka dheceen Deegaanada Bariga iyo Bartamaha Gobolka Galgaduud halkaasi oo uu dagaalkii ugu weynaa ka dhacay Gudaha Degmada Guri Ceel.

 

Gabi ahaanba waxaa deegaanadaasi laga waayay Alshabaab ka dib markii looga laayay Sarakiil can ahayd kuwaasi oo ay qirteen in ay dagaaladaasi uga dhinteen iyadoo ay maleeshiyaadka Ahlu-Sunah la baxay ay bilaabeen Ugaarsiga dadka leh astaamaha Alshabaab.

 

Dhawaanahanba waxaa xaalad dagaal ay ka jirtay deegaanada Wabxo iyo Maxaas oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud Iyo Hiiraan halkaasi oo ay ilaa haatan xaalada dagaalada u dhexeya labada kooxood ay ka taagabntahay deegaanadaasi iyo duleedyadoda.

 

Goobaha Duleedka ka ah Deegaanka Wabxo ayaa lagu arkayaa Maleeshiyaad Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca kuwaasi oo ku Xadraynaya(Dikrinaya)Jiida hore ee goobaha dagaalada iyadoo ay qaadayaan Erayada sida aadka ah logu yaqaano ee Dikriga Allaah uu ka midyahay.

 

Kooxadan oo astaamaha lagu yaqaanay ay ahayd Tusbax iyo Isticmaalka Bunka ayaa haatan waxa ay wattaan Hubka Boobayaasha ah iyo Qoryaha Garbaha laga rido taasi oo ka dhigtay xaaladii looga bartay mid ka badalan iyadoo ay noqdeen kooxo Dagaal.

 00001

Balse isku soo duube Soomaaliya ayaa haddii dib loogu laabto dhammaan raga magacyada kala duwan la baxay oo ay ka midtahay Alshabaab iyo Ahlu-Sunnahan oo intoodaba wata magaca Diinta Islaamka waxa ay yihiin Ardaydii Dugsiyada Quraanka oo ay ku bireen kuwii Schoolada iyo rag maleeshiyaad dhiabaatayn jiray umadda soomaaliyeed ah taasi oo xaalka ka dhigayso (Shaar Diimeed La wada Gashay)

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: