Calendar

Ra’iisul Wasaare Dr.Cumar C/rashiid iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka Amba baxay magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan Dalka Liibiya.

 

rwBartamaha(Muqdisho):-Dr.Cumar C/rashiid Cali oo ah Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Fd soomaaliya iyo wafdi uu horkacayay ayaa manta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan dalka Liibiya o uu halkaasi birito kulan uga furmayo wadamada Saalxil Iyo Saxaraha.

 

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku jiray qaar ka tirsan golihiisa wasiirada sida Wasiirka Dib U dhiska Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo Wasiirka Waxbarasha Maxmed Cabdi Waayeel iyo xubna kale.

 

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in uu ku wajahanyahay Dalka Liibiya si u berito si rasmi ah uga qeybgalo kulanka Madaxda Wadamada Saxaraha ka hooseeya oo maalinimada berito ah ka furmaya xarunta Liibiya Ee Tripuli.

 

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegayaa in sidoo kale uu ku wajahanyahay wadama kale oo la filayo in uu soo maro socdaalkiisa Liibiya ka dib iyadoo ay balan gaar ah leeyihiin madaxweynaha Liibiya Mucamar Alqadaafi.

 

Waa safarkii Labaad ee uu dalka kaga ambabaxo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyadoo aan la ogayn waxa uu kala hadli doono madaxda wadamada uu madasha gaarka ah la leeyahay sida madaxweynaha Liibiya halkaasi oo ay ku xeranyihiin Dhalinyaro soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: