Kooxda Ahlu sunnah oo si cad u taageertay Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

Posted on Jan 30 2010 - 7:01am by News Desk
Tweet
Pin It

AhlusunaBartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu sunnah wal-Jamaaca ayaa daaha ka qaaday in ay la shaqeynayso Dowlada Soomaaliya iyadoo meesha ka sartay khilaaf taaganaa.

Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Fulinta Ahlu Sunnah Wal-jamaaca Sheekh Maxamed Yuusuf Xaafo oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan Dowlada KMG ah .

Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Fulinta ayaa daaha ka qaaday in Dowlada KMG ah ay tahay mid sharciyad leh iyaguna ay taageersan yihiin oo ay kala shaqeynayaan sidii loo cirib tiri lahaa Kooxaha Nabada diidan.

Masuulkaasi ayaa meesha ka saaray in khilaaf balaaran uu jiro isagoo xusay in wax waliba hishiis iyo wanaag lagu dhameeyay oo ay dhankooda la shaqeynayaan Dowlada .

Ahlu sunnah ayaa taageerada ay Dowlada siinayso waxa ay imaanaysaa xilli dhaqdhaqaaqyo dagaal laga dareemayo gobolada dhexe oo ay Kooxdaasi ka taliyaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.