Xizbul Islaam oo yeerisay Seeriga Dagaal ay la galayaan Ciidamada Amisom.

Posted on Jan 30 2010 - 7:06am by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Ururka Xizbul Islaam oo dhawaanahan laga la’aa saaxafada dagaalada Muqdisho  ayaa waxa ay xiligan u soo jeesatay Muqdisho iyo dagaal ay dhankeeda galayso.

Shalay Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada dagaalkii ka dhacay inta badan Magaalada Muqdisho taasi ayaa dhalisay in uu dhawaaqo afhayeenka XizbuL Islaam u qaabilsan dagaalada.

Afhayeenka dhanka Howlgada dagaal ee Ururka  Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Cabi Caruus ayaa daaha ka qaaday in ay dagaal la galayaan Ciidamada Amisom ee Muqdisho dagan.

Afhayeenka ayaa xusay in ay qeyb ku lahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho islamarkaana ay iskaashi leeyihiin Mujaahidiinta waxa uu ku sheegay doonayaana in dalka laga saaro Amisom.

Sheekh Maxamed Cabdi Caruus ayaa shacabka ka dalbaday in ay isaga fogaadaan goobaha ay daganyihiin Ciidamada Amisom oo xiligan lagu qaadayo dagaalkii dalka looga saari lahaa sida uu warka u dhigay.

Afhayeenka ayaa ugu danbayntii ka dalbaday Mujaahidiinta in ay iskaashadaan si dalka looga saaro Ciidamada Amisom oo uu ku sheegay kuwa cadow ah islamarkaana uu balan ku qaaday in ay dagaal ku laynayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.