Calendar

Kooxo hubaysan oo Masaajid dad ku dishay kuwana ku dhaawacday Magaalada Balad-Weyne.

dilBartamaha(Balad-Weyne):-Kooxo aan la aqoonsan ayaa Xalay waxa ay si bareer ah u dileen Laba qof Saddex kalana ay dhaawaceen ka dib rasaas ay ku fureen dad Salaada ka soo baxay.

Laba nine e la dilay ayaa waxa ay ahaayeen Ganacsatadsa sida weyn looga yaqaan Magaalada Balad-Weyne iyadoo ay dhaawac u geysteen laba qof oo kale gudaha Masjidka.

Masjidka oo ku yaalay Xaafada Howl-wadaag Magaalada B/Weyne ayaa waxa xiligaasi ka soo bexeen dadka rasaasta lagu bilaabay Salaadii Cishaha iyadoo Kooxdaasi ay ku sugayeen Masjidka banaankiisa.

Dilkan oo ahaa mid la yaab leh ayaa waxaa Labada nine e la dilay rasaasta lagula dhiftay gudaha Masaajidka oo ay ku naf bexeen taasi oo la yaab ku noqotay dadka reer Balad-Weyne.

Dilka qofka ayaa waxa uu raqiis ka noqday gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Koonfurta iyadoo inta badan la dilo dadka Bulshada ka dhex muuqda taasi oo aanay shacabka garan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: