Calendar

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo wacad ku maray in ay Muqdisho la wareegayaan.

RWBartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa balan ku qaaday in dhawaan ay Dowlada gacanta ku dhigi doonto guud ahaan Magaalada Muqdisho.

Dr.Cumar C/rashiid ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhawaan Dowlada la waregi doonto ammaanka guud Ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Magaalada ay haatan dhinacyo badan ka joogaan Kooxaha Mucaaradka oo dhibaato xoogan Bulshada ku haya taasina ay ka dul qaadi doonaan.

Cumar C/rashiid ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dul qaad sameeyaan ammaanka Magalaada Muqdisho dhawaan wax ay Dowlada ka qaban doonto.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa hadalkiisa waxa uu u muuqday mid ay ka go’antahay wax ka bdalka ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: