Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland oo hishiis la galay shirkado shidaal baara.

Posted on Dec 10 2009 - 9:04am by News Desk
Tweet
Pin It

pl_logoBartamaha(Garoowe):-Maamul Dowlada Goboleedka Puntland ayaa hishiis la gaaray shirkado Caalami ah oo baaris ku sameeya shidaal laga baaro Deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kulan la yeeshay madaxda shirkadaha Africa Oil iyo Rangers Sos oo ah shirkado ka shaqeeya barista iyo qodida Ceelasha Shidaalka.

Madaxda Puntland iyo Madaxda shirkadahaasi ayaa hishiis ku kala sixiixday Magaalada Garoowe iyagoo isku afgartay wada hadal ka dib in laga bilaabo baritaan Deegaano loo malaynayo in shidaal laga helayo.

Labada dhinac ayaa waxa ay ku hishiiyeen in laga wada shaqeeyo qaabkii loo bilaabi lahaa Baarista shidaalka Deegaanada Puntlandi la doonayo in laga sameeyo dhawaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.