Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Baardheere oo burburiyay ku dhawaad 5 qabri oo ku yaallay Degmadaasi baardheere.

Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere ayaa waxa uu soo cusbooneysiiyay howlgalladii uu ugu magacdaray la dagaalanka shirkiyaadka kagadaal markii Habeenimadii xalay ay burburiyeen qabuuro ku yeelay Masaajidka Jaamaca loo yaqaan ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Howgalladan ayaa waxaa lagu burburiyay ilaa 5 qabri, oo ah qabuuro in mudo ah ku yaallay degmadaasi kuwaasoo ahaa  dad si weyn looga yaqaanay degmdaaasi Baardheere.

Waxaana burburinta qabuurahan ay Maamulka u aaneeyeen in uu kamid ahaa shirkiyaadka inta badan dadka ay ku kadsoomi jireen oo ay caabudi jireen waa sida ay hadalka u dhigeen,

Sidaasi darteedna ay ku qaadeen ololaha la dagaalanka shirkiga ee degmada Baardheere ee dhawaanahanba ay ka fulinayeen Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

Afhayeen u hadlay Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere oo loogu yeero Sheekh C/dheere ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladan tan iyo inta ay ka suulinayaan waxa ay ugu Magacdareen shirkiyaadka ciribtirka u baahan.

 

Burburinta Qabuurahan ayaa waxa ay dabajoogtaa xilli kol hore Maamulku ay sidaanoo kale u burburiyeen Qabuuro fara badan oo ku yaallay isla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: