Calendar

Maamulka Magaalada Marka oo soo saaray amaro iyo digniino culus oo ku wajahan dadka Magaaladaasi ku dhaqan.

alshabaab1Bartamaha (Marka) Maamulka Islaamiga ah Ee Magaalada Marka ayaa daaha ka qaaday in ay wadaan howlgalo ay kula dagaalamayaan waxyaabahya aanay diinta raali ka ahayn Ee deegaankaasi Bisha Ramadaan laga sameeyo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada Marka ayaa waxa lagu soo daabacay ammaro aad u adadag oo ay digniini daba taalo iyadoo maamulka Magaalada Marka ay sheegeen in ay ka digayaan furida goobaha cunada, iyo isticmaalka maandooriyayaasha.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa sidoo kale loogu digay dadka xiliyada lagu guda jiro bisha Ramadaan isku daya in ay isku mashquuliyaan Cayaaraha sida Turubka,Dubnada iyo Dhaadhuuga oo ah dhammaan ciyaaro fudud oo dadka xiliga Ramadaanka ay ku sugaan suxuurta sida Soomaaliya inteeda badan joogtada ka noqotay.

Maamulka ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan Ciidamo arintasi u xilsaaran kuwaasi oo xiligan magaaladaasi lagu daadiyay islamar’ahaantaana ay kormeeri doonaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo ciyaaraha qaar oo ay ku dhaqaaqaan.

Amarka ka soo baxay maamulka magaalada Marka ayaa waxa uu imaanayaa xilli maanta ay bisha Ramadaan ahayd mid bilow ah iyadoo lagu wado in ay la socondoonaan amaradooda inta ay bisha ka dhamaanayso.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: