Calendar

Dagaalo cawa ka dhacay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho iyo Madaafiic lagu garaacay xaafadaha qaar.

cid dowldaBartamaha (Muqdisho):-Dagaal faraha looga gubtay oo caawa ka dhacay qeybo badan oo ka mida Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay la socdeen madaafiic aan loomeel dayin oo ku dhacay Xafado ka fog goobaha dagaalka.

Dagaalka ayaa ahaa mid ku bilowday rasaas culus ka dib markii Xoogaga Mucaradka ay weerar ku qaadeen xiligii afurka Fariisinada Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom Ee Wadooyinka Dabka,Shaqaalaha iyo Sayidka halkaasi oo dagaalkii ugu kululaa uu ka dhacay caawa.

Weerarka rasaasta iyo madaafiicda caadiga ah ku bilowday ayaa waxa ay Ciidamada Amisom u badaleen Madaafiicda Hoobiyayaasha iyo kuwa ka dhaca Taangiga oo ay u qeybiyeen xaafado ka baxsan goobaha dirirtu ay ka socotay.

Madaafiicda caawa lagu garaacay xaafadaha qaar ayaa waxa ay ku dheceen Xaafadaha Suuqa Bakaaraha,Wardhiigley,Yaaqshiid,Hodon iyo Xaafado ka mida degmada Howl-wadaag.

Qasaaraha hordhaca ah ee la soo baxaya dagaalkii caawa magaalada gil-gilay ayaa waxa ay sheegayaan in ay geeriyooden ku dhawaad 10-ruux halka dhaawaca la geeyay goobaha cafimaadka oo ka badanyahay 15-ruux oo badanaa ah dad rayid ah.

Xafiika Bartamaha Wararaka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: