Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku Eedeeyay Erirtea in ay Masuul ka tahay dagaalada Muqdisho ka socda.

Posted on Jun 28 2009 - 5:50pm by News Desk
Tweet
Pin It

madaxweynahaBartamaha(Muqdisho):-Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada Fd soomaaliya oo manta shirjara’id ku qabtay Muqdisho ayaa si weyn u dhaliilay siyaasada Eritrea eek u wajahan Dalka Soomaaliya. 

Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Sheekh Xasan Daahir Aweys in uu fulinayo siyaasada dowladaasi EWritrea ee dalka soomaaliya taasi oo uu ku tilmaamay in aanay ahayn mid ka tarjumaysa danaha shacabka soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dagaalada uu dowlada uga soo horjeedo Sheekh Xasan Daahir ay abaanduulayaal ka yihiin saraakiil Eritrean ah kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood ay dalka ku suganyihiin.

Madaxweynaha ayaa difaacay Madaafiicda ay Ciidamada AMIOSM ku garaacayaan gobo ka mida Muqdisho oo inta badan ku la’daan shacabka Reer Muqdisho  taasi oo uu ku sheegay in ay ku bartilmaameedsadaan Kooxaha Al-Qaacida ee Muqdisho ku dhuumaalaysanaya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wacad ku maray in ay iska difaaci donaan weerarada uga yimaada dhanka xoogaga uu ku tilmaamay Al-Qaacida kuwaasi oo uu sheegay in ay qorsheyanayaan xarun ay ka samaystaan dalka soomaaliya.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa manta u muuqday mid uu ku dalbanayo caawinaad caalami ah wallow aanu carabka taasi ku adkeynin isagoo sheegay in Ciidamada AMISOM la soo kordhin doono dhawaanahan si loo adkeeyo ammaanka dowladiisa.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â